Xilibaan Sheebe oo galabta lagu aasay magaalada Garoowe

August 6, 2012 - Written by

Garoowe:-Alle ha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay Xabaale ku yaal duleedka magaalada Garoowe xilibaan Cabdisallaan Sh. Maxamuud oo loo yaqaanay Sheebe oo saaka nin hubaysan uu  dilay mar uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaadii subax,aaska xilibaanka ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u badan , xilibaano , wasiiro iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntlland.

Magaalada Garoowe ayaa ilaa intii saaka lagu dilay xilidhibaan Cabdisallaan Sheikh Maxamuud waxaa ka socda howl galo ay ciidanka Puntlland ka wadaan magaalada gudaheeeda iyo daafaheeda iyagoo ay ciidanka ay baarayaan baabuurta iyo dadweynaha waxaan ay ciidan ku xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dilka xilibaanka.

no images were found

Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntland Gen.Cabdi Samad Cali Shire ahna kusimaha madaxweynaha Puntlland oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu tacsi ub diray  dhamaan shacabka ku nool Puntlland gaar ahaan eheladii uu ka dhintay xilibaan Cabdisalaan Sheekh Maxamuud (Sheebe) isagoo canbaareeeyey dilka waxaan uu sheegay in laamaha maanku ay wadaan baaritaan la rajeynayna in la soo qabto kuwa dilka fuliyey oo oo madaxweynuhu ku tilmaamay kuwo cadaw ku ah jirtaanka iyo nabad ka jirta Puntlland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali ayaa sheegay in dowlladiisu ay gudi gaar ah ay u saartay in ay baaritaan ku sameeyaan dilka  xilibaan Sheebe, dilalka ka dhaca Puntlland ayaa ah kuwa qorshaysan oo ay ka danbeeyaan kooxo abaabulan oo noocyo badan.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online