Xilibaanada cusub ,Mahiga iyo Madaxda DFS oo ku kulmay Garoonka Aadan Cadde

August 20, 2012 - Written by

Waxaa dhawaan la keenay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho dhamaan xilibaanada Dowllada cusub ee beesha caalamku u dhisi doonto Soomaaliya, xilibaanada ayaa dhamaan loo qaybiyey kaararka aqoonsiga ilaa hadda  Xilibaanada kaararka la siiyey ayaa gaaray 225 xilibaan. Kulanka dhaarinta ayaa waxaa la filayey in uu ka dhaco Xarunta Iskuulka Buluusiyey ee magaalada Muqdisho balse waa laga soo weeciyey arrinkaas oo lagu sababaynayo arrimaha dhinac amaanka , Madaxda DFS ayaa la filayaa in ay dhamaantood yimaadaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan  Xaflada lagu dhaarinta Xilibaanada cusub.

Kulan saaka ku dhexmaray Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde  madaxweynaha xiligiisa dhamaaday ee Sh Shariif Sh.Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahiga kulankaas oo looga hadlay xilibaanada cusub ee uu madax wey nuhu soo jeediyey in wax laga bedelo lana kala diro arrinkaas oo uu diiday  Augustine Mahiga. Ilaa hadda lama yaqaan meesha xalku ku dhamaan doono balse waxaa muuqata in madax weyne Sh.Shariif Sheekh Axmed uu ku dadaalayo in uu xilibaanada ka dhex arko taageerayaashii Maxkamada Islaamiga iyo ururkii dib u xoraynta oo markii horeba uu Madaxweynuhu iska fogeeyey.

Madaxweynaha xilikiisa dhamaaday Sh Shariif S Axmed , Raiisul Wasaare Gaas , guddoomiaya Baarlamaanka Shariif Xassan ,Mahiga ayaa soo gaaray Garoonka Aadan Cadde si ay uga qayb galaan dhaarinta Xilibaanada cusub ee dowllada ay doonayso beesha caalamka in ay u dhisto Soomaaliya, Dhaarta Xilibaanada cusub ayaa hadda si toos ah u bilaabatay waxaan ilaa hadda la dhaariyey Beelaha Dir, Digil iyo Mirif , Beelaha Shanaad.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online