Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeen maanta lagu dhaariyey magaalada Garoowe

September 17, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe xaflada lagu dhaarinayey Wasiiro iyo wasiiro ku xigeen iyo Wasiirul dowlayaal shalay loo magacaabay xilalkaas. Xaflada dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole, Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada.

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr. C/raxmaan Faroole oo hadal kooban ka jeediyey Xaflada dhaarinta ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in isbedel ka dhaco hogaanka dowllada Puntlland oo dhalinyarada aqoonta leh ay la wareegaan talada iyo xukunka Puntlland.


Wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada la dhaariyey maanta ayaa waxaa ka mid ah

1- Yuusuf Cali Siciid –Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha.

2- Caasho Maxamed Axmed –Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska.

3- Axmed Ibraahim Cabdiraxman- Wasiir ku xigeenka Qorshaynta & Xiriirka caalamiga ah.

4- Eng.Maxamuud Caydiid Dirir –Wasiirka Warfaafinta ,Isgaarsiinta ,haddaha iyo dhaqanka.

5- Jaamac Yaasiin Jaamac Wasiir ku xigeenka Waxbarashada.

6- Saleebaan Maxamuud Siciid- Wasiiru dowlaha deegaanka ,dalxiiska iyo duurjoogta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online