Abaanduulaha ciidamada DFS ma Jiraan Ciidan Jabhad ah oo ka howlgala J/hoose(Dhageyso)

September 30, 2012 - Written by

Kismaayo:-Magaalada Kismaayo oo shalay aroortii hore ay ka baxeen xoogagii al-Shabaab, ayaanay ilaa hadda galin ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda.General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan, abaanduulaha ciidamada Soomaaliya, ayaa sheegay in ay amreen in ciidamadu aysan galin magaalada tan iyo inta laga xaqiijinayo in aanay goobaha qaar miino u aasnayn.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore amniga la sugo.Ilaa sadex kun ay dhan yihiin ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, waxaana uu sheegay in Kismaayo loo maamuli doono qaab dowladeed oo aanay gacanta u gali doonin koox gaar ah.

Abaanduulaha, ayaa sheegay in waajibka ciidamadu uu yahay in aan nabadgalyada sugaan, isla markaana ay dowladda u dhexe howl u taalla ay tahay sidii ay maamul ugu samayn lahayd gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ay magaalada madaxda u tahay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysi ay BBC la Yeelatay Abaanduulaha ciidamada DFS General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/dhagobadan.mp3]

 BBC

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online