Al-Shabaab oo ku soo Bandhigay hub iyo gaadiid dagaal magaalada Kismaayo

September 6, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ururka Al-Shabaab ayaa maanta ku soo bandhigay  hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen dagaaladii ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobolka jubada Hoose kaas oo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen Fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Kismaayo hubka iyo gaadiidka dagaal waxaana goobta ku sugnaa boqollaal ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ahaa hubkii ay soo bandhigeen gaari xamuu ah oo sahay u siday ciidamada Kenya ,qoryo badan oo ah qoriga faalka oo ay caan ku yihiin ciidamada Kenya , Daba jeexyo , Baasuukayaal,Radiyaha ay ku wada hadlaan ciidanka ,Qoriga PM-Ka loo yaqaan iyo rasaas iyo lacag kale oo aad u badan.

Masuuliin ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo goobta kala hadlay dadweynihii daawanayey hubka la soo bandhigay ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa DFS .

A/Cawale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. wa masha allah . Kenya sidas aya ku fican ayada lacelin wayay .hada ayey xaqiqda hayan haka xaxabiyaan .

  2. allaahu akbar walillaahilxamdu

Leave a comment

*