Al-Shabaab oo labo dhalinyaro ah ku dilay Degmada Baraawe iyo Kismaayo oo Degan

September 4, 2012 - Written by

Baraawe:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ayaa sheegaya in labo dhalinyaro ah ay shalay galinkii dambe ku toogteen Ururka Al-Shabaab Degmada Baraawe iyaga oo ku eedeeyey in ay Basaas u ahaayeen hay,ado ajaanib ah.

Al-Shabaab ayaa labada dhalinyaro ku toogtay  fagaare ku yaala degmada Baraawe ka dib markii ay xukun ku riday Maxkamad ku taalla degmada Baraawe waxaana toogashada  ka soo qeyb galay dadweyne badan, kuwaasoo daawanayey xukunka dilka ee la fulinayey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay toogtaan rag lagu soo eedeeyey in ay Jasuus u yihiin sirdoonka reer galbeedka iyo kuwa la shaqeeya dilka noocaas oo kale ah ayaa ka dhacay dhawaan magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Sh/hoose .

Dhanka kale wararka saaka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in magaalada ay degan tahay aysana jirin cid ka barakaceysa sida ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed.

Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa huwanta ayaa waxaa ay wili isku horfadhiyaan Deegaanka Muudi mana jiraan wax horumar ah oo ay dagaalka ka sameeyeen ciidamada huwanta marka laga reebo Duqeymo ay u geysanayaan Dekkada magaalada Kismaayo iyo furimaha dagaalka maalintii Isniinta .

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Soomaalida ku nool dalka gudihiisa waa inay wada jir oga soo horjeestaan waxa
    Ay ugu yeeraan Al-shabaab oo ah cudur dadka iyo dalka baabi’iyey.

Leave a comment

*