AMISOM iyo DFS oo soo bandhigay ciidamo ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Al-Shabaab

September 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta saxaafada u soo bandhigay ciidan ay ku sheegeen in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ay tiradooda ku sheegeen  242 askari waxaana ciidanka lagu soo bandhigay xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa soo gaaray masuuliin ka tirsan DFS waxaana ka mid ahaa Wasiirka G/dhiga ee DFS ee waqtigeeda uu dhamaaday Xuseen Carab  Ciise,wasiirka arimaha gudaha Cabdisamed Macalin iyo Abaanduulaha ciidamada xoogga DFS  Gen. Cabdikariin Yuusuf Dhego-badan  .

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Yaxye Faysal Cabdulle kaasi oo ka hadlay sababta ka dambeysa inay ka soo goostaan Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay in ay u dulqaadan waayeen dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Shacabka gobalka Gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa kaloo saxaafada la hadlay  Sheekh Sheegow Axmed Cali oo hoggaaminayay ragga isa soo dhiibay wuxuuna ka hadlay qaabkii ay ula xiriireen madaxada DFKM .

Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa dhankooda goobta ka hadlay waxayna sheegeen in ciidamadaan ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab waxayna soo bandhigeen hub iyo aggab kale

Ilaa haaatan ma jiraan masuuliin ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM mana jiraan cid ka madax banaan DFS oo xaqiijisay ciidanka ay sheegay in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online