Ardaydii Jaamacada Bariga Afrika ee ku nool Dalka Masar oo Tahniyad iyo Bogaadin diray

September 30, 2012 - Written by

Cairo:-Ardayda Jamacadda bariga Africa ee ku sugan dalka Masar gaar ahaan Magaalada Qaahira ee Maastarka ka diyaariya ayaa tahniyad iyo bogaadin hawada u mariyay guud ahaan bahda Jaamacadda bariga Afrika gaar ahaana maamulka cusub ee hadda la wareegay talada jaamacadda iyagoo sidoo kale ku amaanay maamulkii hore sida xilkasnimada leh ee ay majaraha ogu hayeen jamacadda intii ay gacanta ku hayeen, iyagoo sameeyay hor mar weyn oo muuqda waxay aad ogu amaaneen guddomiyihii hore ee hadda mamulka wareejiyay Proffessor Maxamed Cabdi Aadan oo intii uu jamacadda gacanta ku hayay wax wayn ka baddalay .

Ardayda bahda Jamacadda bariga afrika ee Qaahira ayaa u rajeeyay maamulka cusub ee uu hogaaminayo Dr.C/risaaq Hiirad Maxamed iyo fariiqa la shaqaynaya in ay halkii ka sii ambaqaadaan hour marinta Jamacadda bariga afrika waxayna tilmaameen in jamacadda bariga afrika ay tahay jaamacad si weyn uga dhex muuqata Jaamacadaha ka furan Soomaaliya waxayna u rajeeyeen in muddo yar gudaheed ay noqoto jamacadda bariga afrika jaamacadda ogu tayada wanaagsan jaamacadaha Soomaaliya waxayna ogu baaqeen ardayda ka takharujtay Jaamacadda in ay jamacadda kala shaqeeyaan sidii la isugu xidhi lahaa ardaydayda oo dunida ku baahday iyo jamacadda

Magacyada ardayda bariga Africa ee qaahira ee farinta na soo gaadhsiiyay

1= C/risaaq Musse Barre

2= Xamze Saciid Shire

3= Maxamud Maxamed Cabdulle (guddomiyaha ardayda maastarka ee masar)

4= Jaamac Maxamed Xaaji Maxamud

5= Maxamed Saciid Maxamed Faahiye

6= Xussen Musse Nuux

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online