Bam Gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFS oo marayey Isgoyska KM-4

September 27, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFS oo marayey Isgoyska KM-4 weerarka ayaa sababay khasaaro kala duwan .Bamka lagu weeraray maanta ciidamada DFS ayaa waxaa  ku dhaawacmay  afar qof oo ay ku jirto haweeney ka ganacsata caanaha waxaana dhaawacooda la geeyey Isbitaalka Madiina.

Ciidamada DFS ayaa weerarka ka dib waxay qabteen ilaa 5 qof oo ay uga shakiyeen in ay ka danbeeyeen Bamka lagu weeraray ciidamo ka tirsan DFS. Ciidamada nabad-sugidda ee DFS ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan qofkii bambada tuuray sida uu saxaafada u sheegay Taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online