Booliska magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo sheegay in ay qabteen Hub(Video )

September 14, 2012 - Written by

Nairobi:-Booliska magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in ay howlgalo ay ka sameeyeen xaafada Soomaalidu ay daggan tahay ee Eastleigh ay qabteen hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo iyo  laba qof oo Soomaali ah kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weeraro lagu qaado magaalda Nairobi.

Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in ay gacanta ay ku dhigeen maanta  6 jaakadaha oo loo isticmaalo isqarxinta , 4 qoryaha AK47.Dhowr Bambooyin oo nooca Fm1 ah .

Taliye ku xigeen Booliska magaalada Nairobi ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in laba nin oo Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen ka dib markii guri ku yaal xaafada Eastleigh ay ka heleen hub iyo Jaakado loo isticmaalo qaraxyada ka dib markii ay heleen xog muhiim ah.

Ururka al-Shabaab ayaa dowlada Kenya waxay ku eedeysay dhowr mar qaraxyo ka dhacay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalooyinka Garisa ,Nairobi iyo Mombaza.Ilaa haatan ma jiraan cid ka madax banaan Booliska Kenya oo xaqiijiyey warka ay saxaafada u soo bandhigeen galabta .

Feysal Cali Ahmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online