Dabaal Deg balaaran oo caawa ka socda Magaalada Muqdisho

September 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Dabaal Deg balaaran ayaa caawa waxaa uu ka socdaa magaalada Muqdisho kaas oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud waxaana magaalada laga wada maqlayaa rasaasta ay ridayaan dad aad ula dhacsan doorashada maanta ka dhacaday magaalada Muqdisho.

Degmooyinka  Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga maqlayaa rasaasta iyo guuxa iyo hoonka gawaarida waxaana halmar caawa is qabsatay Rasaastu markii lagu dhawaaqay guusha Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud .

Saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa shacabka ugu baaqay in ay joojiyaan rasaasta si amaanka uusan u gali khalkhal.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed CabdiKariin Yuusuf Dhaga Badan ayaa caawa la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuuna ugu baaqay dadweynaha in ay amaanka ilaaliyeen lana joojiyo rasaasta la ridayo.

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Kuleyba sidaan ku maqalney dadka yaqaana Madaxweenaha cusub, waxaan rajeynaynaa in uu noqdo mid Soomaalidda isu keena, kuna maamula cadaalad iyo sinaan dibna u habeeyo Somaliya kana tirtira khashinkii 22sana wadanka uriyey.

  2. Hassan waxan kula talinayaa in uu dhinac iska dhigo mashaariicda reer galbeedka hawshiisana uu kusaleeyo niinta, dalka iyo dadka. Hadduu meelkale wax karaadiyo wuu lugo’ayaa.

  3. Hassan wanin akhlaq leh aabihina nin culumo ah ayu aha kheyr ayan urajeyneyna diinta alaha kusugo

Leave a comment

*