Dagaal Culus oo ka qaraxay goordhow inta u dhaxeysa Biibi iyo Harmoole ee gobalka J/hoose

September 16, 2012 - Written by

Afmadow:-War goor-dhow naga soo gaaray gobalka J/hoose ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal culus uu ka qaraxay inta u dhaxeysa Biibi iyo Harmoole Waxaana uu dagaalka u dhexeeyaa ciidanka huwanta iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa haatan xoogiisa waxaa uu ka socdaa inta u dhaxeysa Biibi iyo Harmoole waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan .Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidamada huwanta dagaal ku qaadeen ciidamada Al-Shabaab oo difaac uga jira deegaanka Biibi.

 

Waxaa aad u adag in xog rasmi ah laga ogaado guulaha ay sheeganayaa ciidamada huwan iyo kuwa Al-Shabaab waxaana aad u liita isgaarsiinta deegaanada lagu dagaalamayo.

Halgan.net ayaa xiriir kala duwan la sameysay dadweynaha ku dhaqan Degmada Afmadow ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaal uu socdo ayna hawada Degmada Afmadow ku arkayaan diyaarado dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya.

Wixii warar ah ee soo kordha inshalaah kala socda Halgan.net dhawaaan.

Cabdi Yare
Kismaayo
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online