Dagaal ka socda deegaano u dhexeeya Sooya iyo Birta dheer ee gobalka J/hoose

September 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qaraxay galabta deegaanada u dhaxeeya Sooya iyo Birta dheer waxaana dagaalka uu u dhexeeyaa ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab .

Dagaalka ayaa waxaa uu xoogiisa ka socdaa deegaanada u dhexeeya Sooya iyo Birta dheer waxaana ka qeybqaadanaya dagaalada diyaarado kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dowlada Kenya . Ilaa haatan lama oga khasaaraha kala gaaray labada garab ee ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobalka J/hoose mana jiraan ilaa haatan saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo ciidamada huwanta oo ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada u dhaxeeya Sooya iyo Birta dheer .

Halgan.net ayaa xiriiro kala duwan la sameysay gobalka J/hoose si ay faahfaahin aan uga helno dagaalka socda balse nooma suurto galin is gaar siinta oo aad u xun awgeed.

Cabdi yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online