Dagaal ka dhacay duleedka degaanka Miido ee Gobolka Jubada Hoose

September 11, 2012 - Written by

Kismaayo:-Warar naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in dagaal uu ka qarxay dhawaan duleedka deegaanka Miido, dagaalkaas oo u dhexeeya ciidanka dalka Kenya oo taageeraya ciidamo taageersan Dowllada Federalka Soomaaliya iyo ciidanka Raaskaambooni oo uu guddoomiyaha u yahay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii sahan ka tirsan ciidanka Al-shabaab ay isku dhaceen ciidamo huwanta ah oo iyagu doonayey in ay weerar aan fariisamo ay ku sugan yihiin ciidanka Al-shabaab oo ku yaal dhulka miiga ah ee ku dhow degaanka Miido. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kale duwan waxaan ku dhintay ilaa 10 qof oo iskugu jira dhinacyad uu dagaalku u dhexeeyey , warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan. net ayaa sheegay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya iyo dabaabaadka.

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa ku jira dhulka howdka ah waxaan ay ciidankooda u qaybiyeen kooxo kooxo waxaan ay dagaal adag kula jiraan ciidanka dalka Kenya oo iyagoo marar badan lagu qaaday fariisamahooda ay ka samaysteen Gobolka Jubada Hoose dagaalo kadis oo ay ka soo gaareen khasaaro fara badan.

Wixii faahfaahin oo ku saabsan dagaalka dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ALLAAHUMA YAA MUNZILLIL KITAAB WA MUJRIYA SAXAAB WAHAZIMUL AXZAAB

    AHZIMHUM WA ANSURNAA CALLEYHIM {amin}

Leave a comment

*