Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay xilka madaxweynaha DFS

September 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS  Prof  Maxamed Cusman Jawaari ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleystay madaxweynenimada DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu helay 190 cod waxaana la tartamayey Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed oo helay 79 cod.

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in Madaxweynaha dowlada federaalka ee Soomaaliya uu yahay Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii ay codadkii iyo taageerayaasha Dr /weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble iyo C/laahi Xasan Cadow ay codkoodii siiyeen Dr.Xasan Sheekh Maxmuud sida aan ku helnay xog hoose.

Madaxweynaha dowlada federaalka ee soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa u mahad celiyey dhamaan xildhibaanada DFS sida kartida leh oo ay ugu codeeyeen waxaana uu sidoo kale u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed isaga oo sheegay in dowladiisii ay qabatay waxyaabo badan taas oo suurto galisay in maanta gudaha dalka Soomaaliya lagu doorto madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka DFS

A/Cawale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismillaah wal Xamdulillaah, Ascwrwb dhammaan ummada Soomaaliyeed. Waa cusub ayaa u dhashay ummadeena, Allaha waafajiyo Madaxweynaheena cusub toowfiiqda, Aamiin, aamiin. Alle haka dhigo midkii ka SAMATABIXIYO ummadeena xaaladey ku jirto, Allaha qulluubta ummadeenana isku soo wada duwo, ka dhigona kuwii garta wanaaga MIDNIMADA, TANAASULKA, SAAMAXAADA, iyo WALAALTINIMADOODA MUQADASKA ah. Aamiin, Aamiin. Allaha Toowfiiqda Waafajiyo Soomaaliya- Aamiin.

  2. walaalayaal caawa waa habeen farxadeed oo umada soomaliyeed u ah waa cusub oo u dhashay.waxaana ilaahhay ka rajeynayaa in uu madaxeynaha cusub ka dhigo kii umadu ku midowdo kuna barqaaqowdeo,ku dhaqa cadaalada iyo eex laan,diinta islaamkan quweeya,kuna dhaqma.
    waxan ka codsan lahaa umad weynta soomaaliyeed meel walba o ay joogaan in ay madax weynahooda la shaqeeyaaan si misaga oo ugu horay ilahay kaashanaya in uu umada u mideeyo dhibtana uga sooro inaguna aam qabyaalada iska ilwno iyo in wax qurun ah aytahay. soomaaliya hamidowdo soomaaliya ha is raacdo insha alaah.

Leave a comment

*