Faahfaahin Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo

September 25, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay  duqeyn cirka ah ku qaadeen maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo .

Xiriiro kala duwan oo ay Halgan.net la sameysay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ka mid ah ducaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegay in diyaarado ay maanta laba Gantaal ku soo rideen garoonka Diyaarada ee magaalada Kismaayo balse waxay ku dhaceen hareeraha garoonka.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha  ka dhashay duqeynta maanta ka dhacday Kismaayo mana jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay weerarka ay qaadeen Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa mar walba diyaaradaheeda waxay weeraro ku qaadaan deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo kuwaas oo dhaliya khasaaro soo gaara dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waxaana u danbeysa xasuuqii ay ciidanka Kenya ka geysteen deegaanka Janaay Cabdala .

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online