Faaqidaadda: Dabagalka Soomaalida ku nool Qurbaha.[ Dhagayso]

September 28, 2012 - Written by

Minneapolis:-Gobolka Minesota ee ay Soomaalidu sida weyn u degto ayaa toddobaadkan laga sheegay inay weli ka baxayaan dhalinyaro Soomaali ah oo ku biiraya ururka Al-Shabaab. Dhinaca kalena, dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Soomaalida ah ayaa sannadihii ugu dambeeyey ka dhigtay dadka Soomalaida ah kuwo si gaar ah looga ugaarsado garoomada diyaaradaha ee laga dhoofo ama laga soo dego. Hay’adaha qaabilsan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ee Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalidu ugu badan yihiin dadka xilligan lagu joojiyo garoomada.

Haddaba baadhitaan ay samaysay idaacaddan VOA ayaa muujinaya in muwaadinin Soomaali ah oo deggan waddamada reer galbeedka gaar ahaan Biritan iyo Maraykanka oo qaarkood looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabab ay si gaar ah u ugaarsadaan hay’adaha amniga ee waddamadaas, oo ku joojiya garoomada, ka reeba diyaaradaha, dhagaysta telefoonnada,  isla markaana ku dhex ceebeeyo bushada.

Shaqsiyaadkan midkoona laguma helin inay ku lug leeyihiin falal argagixiso, waxaase si joogta ah ay ciidamada amnigu u weydiiyaan su’aalo la xiriira Ururka Al-Shabaab. Barnaamijkan Faaqidaadda Toddobaadka waxaan ku eegayaa saddex waaya-aragnimada qaar ka mid ah Soomalaid alaga ugaarsado garoomada nooca dabagalka lagu hayo iyo sida Soomaalidu uga hortagi karto qaab sharciga waafaqsan. Haaruun Macruuf ayaa soo diyaariyey.

Hoos ka Dhagayso Barmaamijka oo dhamaystiran

Source: VOA

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online