Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sh Axmed Cabdi Dhicisow oo geeriyooday

September 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, Sh.Axmed  Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa maalmihii danbe xanuunsanaa isagoo Sheekhu uu qabay cudurka loo yaqaan Dhiigkarka. Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa lagu xasuustaa in bilihii danbe isagu uu aad uga hadli jiray Dastuurka dalka Soomaaliya loo sameeyey wax loogu yeero Roadmapka iyo dagaalka ka socday caasimada dalka Soomaaliya Muqdisho oo u dhexeeyey ciidanka AMISOM oo taageeraya ciidanka DFS iyo ururka Al-shabaab.

Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa uu ka jeedin jiray duruus iyo weliba barmaamij kale duwan oo ka bixi jiray TV-ga STN, Sh.Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa isagu ka mid ahaa culimada iyago ka soo horjeeday qaabka siyaasadeed iyo mid dagaal ee ay wadeen ururka Al-shabaab isagoo in badan ugu baaqay in ay la hishiiyaan dowlladda uu Madaxweynaha ahaa Sh Shariif Sh Axmed ee waqtigeedii uu dhamaaday.

Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa waxaa isla maanta lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho Allaha u naxariisto Sheekh danbigiisana Allaha u dhaafo isaga iyo intii dhimatayba.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Cadowga islamka alahajabiyo kuwaso kufarxay gerida culumada somaliyed waxan lenahay (calaykum dairatu suu

Leave a comment

*