Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sh Axmed Cabdi Dhicisow oo geeriyooday

September 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow, Sh.Axmed  Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa maalmihii danbe xanuunsanaa isagoo Sheekhu uu qabay cudurka loo yaqaan Dhiigkarka. Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa lagu xasuustaa in bilihii danbe isagu uu aad uga hadli jiray Dastuurka dalka Soomaaliya loo sameeyey wax loogu yeero Roadmapka iyo dagaalka ka socday caasimada dalka Soomaaliya Muqdisho oo u dhexeeyey ciidanka AMISOM oo taageeraya ciidanka DFS iyo ururka Al-shabaab.

Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa uu ka jeedin jiray duruus iyo weliba barmaamij kale duwan oo ka bixi jiray TV-ga STN, Sh.Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa isagu ka mid ahaa culimada iyago ka soo horjeeday qaabka siyaasadeed iyo mid dagaal ee ay wadeen ururka Al-shabaab isagoo in badan ugu baaqay in ay la hishiiyaan dowlladda uu Madaxweynaha ahaa Sh Shariif Sh Axmed ee waqtigeedii uu dhamaaday.

Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa waxaa isla maanta lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho Allaha u naxariisto Sheekh danbigiisana Allaha u dhaafo isaga iyo intii dhimatayba.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online