Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada Baladweyn iyo Kismaayo(Warsaxaafadeed)

September 29, 2012 - Written by

Muqdisho:-kuSimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaada Xoolaha Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta Shir jaraa’id uu saxaafadda u qabtay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xorayntii Magaalada Kismaayo iyo Fatahaadii wabiga Shabelle ee Magaalada Baladweyn, iyo Amniga magaalada Muqdisho.

Ugu horayntii ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey xaalada magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada hoose. Wuxuuna sheegay in Ciidamada Qaranak iyo kuwa Amisom ay kala wareegeen meeshii ugu dambeysay oo ay ku xooganaayeen Al-qaacidada Soomaaliya oo dhibaato ku hayay Shacabka Soomaaliyeed, Wuxuuna amaan u direy Ciidamada Qaranka oo si nabad gelyo ah kula wareegay magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Ku-Simaha ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan ayna la shaqeeyaan Ciidamadooda. Wuxuuna xusay in Madaxweynaha ay maanta ka wada hadleen xaaladda magaalada Kismaayo ayna isku afgarteen in loo sameeyo gobolada laga xoreeyey Al-shabaab barnaamij lagu xasilinayo, isla markaana loo samayn doono maamulo matala dhamaan dadka ku nool deeganadaas.

no images were found

Dhanka kale Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraya ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya aad uga Xuntahay dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii webiga Shabeelle. Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay gar gaar deg-deg ah la gaareyso dadkaas iyadoona usii marinaysa hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegamadaas, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha gar-gaarka inay gacan siiyaan dadka ku dhibaataysan magaalada Baladweyne.

Ugu danbayntii Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dhaga badan ayaa ka warbixiyay Istaraatijiyada ay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Amisom ku qabsanayaan Magaalada Kismaayo. Isagoona tilmaamay in Ciidamada huwantu ay hadda howlo Miino-Baaris ah ka wadaan duleedka Magaalada Kismaayo wuxuuna ugu baaqay shacabka inay iska ilaaliyaan in ay qariyaan haraadiga kooxdii jabtay ee Al-shabab.

DHAMAAD
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online