Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho(Warsaxaafadeed)

September 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayadoo kumanaan dadweyne ah ay maanta isu soo bax ay ku taageerayaan madaxweynaha ay ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo uu uga soo qeyb galay aaska R/wasaarihii hore ee dalkaasi Meles Sanaawi. Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomi yaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Taliyeyaasha ciidamada XDS iyo Booliska iyo in ka badan boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka.

Dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo ardayda dugsiyada ayaa isugu soo baxay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada, ayagoo sita calanka dalka, hal ku dhigyo ay ku taageerayaan in madaxweynuhu uu mar labaad dalka hoggaamiyo iyo sawirrada madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

no images were found

Madaxweynaha oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada ayaa sheegay in uu la kulmay R/wasaaraha Dalka Ethiopia Xeyle Maryam oo ay isku raaceen in xiriirka labada dowladood uu sii socdo, ayadoo la adkeynayo iskaashiga lagu nabadeeyo geeska Afrika.

“Waxaan is aragnay R/wasaaraha KMG ah markii horena ahaa R/wasaare ku xigeenka Ethiopia, waxan ka wada hadalnay marxaladda kala guurka ah ee ay galayaan iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya halka ay mareyso, waxaana isla garanay in siyaasaddii hore ee lagu socday la sii xoojiyo ” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in si guul ah ay ku dhammaato doorashada madaxweynaha dalka, si dalka waddanku uu u helo dowlad rasmi ah oo ka saarta dhibaatada muddada dheer ka jirtay, soona celisa sumcaddii daalka iyo dadka Soomaaliyeed.

—–Dhamaad—–

media@presidency.gov.so
Jamhuuriyadda Soomaaliya Madaxtooyada
Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online