Madaxweynaha DFS oo xalay la shiray Madaxweynihii hore Sh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

September 12, 2012 - Written by

Waxaa xalay kulan gaar ah kuwada qaatay xarunta Villa Soomaaliya Madaxweynihii hore ee DFKM Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Madaxweynaha cusub ee dowllada Federaalka Soomaali Dr.Xuseen Sheekh iyo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyadoo kulankoodu uu ahaa is waraysi iyo kala warqaadasho.

Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Dr.Xuseen Sheekh Maxamuud ayaan isagu waxaa uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Hotel ku dhow Garoonka Aadan Cadde oo amniguusu ay la wareegeen ciidanka AMISOM, ilaa hadda si cad looma oga wax ay ka wada hadleen 2-da Madax weyne balse maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay soo baxaan u jeedooyinka uu ku saab sanaa shirka xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo soo baxay ayaa sheegay in 3-da Masuul ee wada kulmay ay ka wada hadleen qaabkii iyo goortii ay dhici lahayd xafladii lagu caleemo saari lahaa Madaxweynaha cusub ee dowllada Federaalka Soomaali Dr.Xuseen Sh.Maxamuud Xafladaas oo ay ka soo qayb geli doonaa wufuud kale duwan oo ka socda beesha caalamka iyo maamulada ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Dr.Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu isagu haystaa mudo bil ah oo uu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaare si loo dhiso Golahii xukuumada waxaan la filayaa in maalmaha soo socda uu bilaabi doono wada tashi ku saabsan arrinkaas isagoo kulamo gaar gaar ah la yeelan doono musharaxiintii ku biiriyey codkooda iyo siyaasiyiin kale oo xilal kale duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online