Madaxweyne Shariif oo xilka ku wareejiyey Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud

September 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta si rasmi ah xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya ula wareegay Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxaana xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed ka dib xaflad balaaran oo lagu qabtay dugsiga tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeedshay madax ka socota caalamka kuwaas oo taageero iyo hambalyo u jeediyey madaxweynaha cusub ee JFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud.

Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee JFS ayaa waxaa furay Raisulwasaaraha DFS Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas waxaana uu si qoto dheer uga hadalay waxqabadkii xukuumadiisa intii uu xilka hayey.

Raisulwasaarihii hore ee JFS ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay hiil iyo hooba la garab istaagaan Madaxweynaha cusub ee DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxaana uu hambalyo u diray Madaxweynaha JFS.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed ayaa khudbad kooban ka jeediyey munaasabada caleema saarka madaxweynaha cusub ee DFS waxaana uu sheegay in xiligii uu talada dalka hayey uu u qabtay wixii karaankiisa ah uuna haatan garab taagan yahay madaxweynaha cusub ee JFS

Madaxweynihii hore ee DFS ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuuna aad ugu mahad celiyey ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM sida ay u garab istaageen ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya khudbado hambalyo iyo taageero ah ka jeedshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele,Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag ,Risulwasaaraha dalka Itoobiya,Xaylemaryam Desalenge Gudoomiya Ururka Midowga Afrika,Wakiilka Jaamaca carabta Samiir Xusni,Kaaliyaha Madaxweynaha dalka Sudan Dr.Naafic Cali Naafic ,wasiirudowlada arimaha dibada ee dalka Qadar ,Raisuwaraare ku xigeenka dalka Ugandha iyo madax kale oo badan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online