Musharaxiin Tanaasulay iyo Xilibaanada DFS oo codeyntii bixinaya

September 10, 2012 - Written by

Wararka hordhac ah oo naga soo gaaray magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Iskuul Buluusiya ayaa sheegaya in la dhaariyey xilibaano gaaray 20, kuwaas oo dhawaan horay gudiga farsamada uu ugu diiday in ay noqdaan Xilibaan DFS taas oo ay ku saleeyeen in ay yihiin Dagaal oogayaal iyo danbiinayaal dagaal.

Dhanka kalr Waxaan gudiga doorashada Madaxweynaha DFS ay si rasmi ah u shaaciyeen in ilaa 2 musharax ay si toos ah u tanaasuleen waxaan ay kala yihiin Bashiir Nuur Bidaar, Xuseen Khaliif Jaamac iyo musharax Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo isagu shalay ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka Madaxweynanimo.

 

Waxaa kale oo gudiga doorashadu ay ku dhawaaqeen in musharaxiintu aysan isa siin karin cod ama musharax hara uusan codkiisa uusan ku biirin karin musharx kale arrinkaas oo ah sharci cusub oo aysan wax faahfaahin ah aysan ka bixin gudiga doorashada .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u sheegay in ay tahay mamnuuc in musharax tanaasul uu isla markaas uu codkiisa ku biiriyo musharax kale balse kaliya uu cadayn karo in uu tanaasulay kaliya.

Dhinac kale gudiga doorashada ayaa ka hor akhriyo sharciyo laga doonayo musharaxiinta iyo xilibaanada iyo dadka lagu casumay in ay goob joog ka ah doorashada in aan loo ogolayn in ay isticmaalaan Mobilo, sacbiyaan ama buuqaan qofkii arrinkaas ku kacana ay ciidanku ay ka saari doonaa Hoolka ay ka socoto doorashada Madaxweynaha DFS.

Xilibaanada DFS ayaa hadda ka soo laabtay salaad Duhur iyo qado balse waxaana haatan ka socda Hoolka Iskuul Buluusihyo codeynta

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online