Nadwo ay culumo waawayn kasoo qeybgaleen oo dalka sudan lagu qabtay

September 17, 2012 - Written by

Sudan:-Waxaa hoolka shirarka jaamacada Africa lagu qabtay taariikhdu markay ahayd 10/9/2012 habayn talaado ah nadwo si heersare ah loo soo agaasimay. Nadwadan oo qabanqaabadeeda ay iska wada kaashadeen labada urur ee kala ah (iskuxirka ardayda soomliyeed ee calamiga ah) iyo (dallada ardayda Somali galbeed) ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadwayne aad u farabadan.

  Nadwadan oo cinwaan looga dhigay (iswaafajinta iyo isu dumida umada soomaliyeed talooyin iyo xuluul) ayaa waxaa kawada qeyb qaatay culumada kala ah:-

1. Sh. Maxamuud maxamed shibli

2. Sh. Dr. faysal maxamed sharif

3. Sh. Maxamed Macalin Axmed

  Sh.maxamuud  maxamed shibli oo ah sheekh caan ka ah bulshada soomaliyeed dhexdeeda oo kalmadda hore ee nadwada qaatay ayaa ku xeel dheeraaday caqabadaha hortaagan helidda umad soomaliyeed oo isku duuban, sheekha ayaa soo bandhigay afar caqabadood oo u muuqata inay saami weyn ku leeyihiin dhibaatooyin fara badan oo umada soomaliyeed haysta, caqabadahaas ayaa kala ah:-

1. qabyaaladda: oo uu sheekhu sheegay inay tahay aafo weyn oo saaqday inbadan oo kamida bulshad, sheekha ayaa tibaaxay in qabyaaladu hada noqotay cudur xididaystay saameeyayna dad farabadan oo aqoonyahan iyo waxgaradba isugu jira

2. qalooc siyaasadeed: sheekha ayaa tibaaxay in siyaasiyiintii soomaliyeed inbadan oo kamaida ay isugu dhurteen qaar shisheeya gacanta ugu jira oo waa lay wataa hal hays u noqotay, iyo qaar dagaal oogayaal ah, iyo qaar hunguri raadis ah oo siyaasada dhuuni kuwata, halka intooda bandanna ay ka siman yihiin inaysan lahayn barnaamij cad iyo yoolal lataabankaro oo ay kaleeyihiin mustaqbalka umadda.

3. qalooc diimeed: sheekha ayaa qodobkan tusaale ugu soo qaatay wada shaqayn la’aanta dhextaal itijaaha islaamiga ah ee soomaliya, isagoo tibaaxay in hadii cidi midoobayso ay ahayd in islaamiyuuntu ayagu tusaale u noqdaan, umada inteeda kalana isu dumaan, balse aysan taasi dhicin, sheekha ayaa tilmaamy inaysan gar ahyan in culamadoo aan midaysanayn bulshada inteeda kala midnimo laga dalbo.

Sidoo kale shiikhu wuxuu qodobkan qalooca diinta tusaale ugu soo qaatay soo ifbixida garabyo isu aaminsan in ay ayagu kaligood muslim yihiin (kaligi muslin) qolyahan ayuu sheekhu sheegay inay umada u wada gaalaysiiyaan si tafaariiq ah, oo umada waa wada gaalo ayagoon dhihin maalinba qolo gaalaysiiya, natiijada kama danbaystaahina noqoto umaddu waa wado gaalo marka laysugeeyo wadatra ay tafaariiq ugaalaysiiyeen.

4. faragalinta dibadda: shiikha ayaa tibaaxay in maaanta dalkii soomaliyeed ay joogaan ciidamo fara badan oo shisheeye ah, shiikha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in laga yaabo in dadka qaarki ay kasii shaqeeyaan joogitaanka shisheeyaha, ayagoo qaar iska dhaadhiciyeen in joogitaanka shisheeyuhu dani ugu jirto ayaga. Dr. faysal maxamed shariif oo ah maamulha jamacada mustaqbal garisa, oo kalmada labaad qaatay ayaa tilmaamay aragtiyo dheeraad ah oo qeyb ka noqon kara dhibaatada, waxaa kamid ahaa aragtiyadaas:-

1. in dadku iska dhaadhiciyeen in ilaha noloshu aysan ku filayn, taas badalkeedna ay is tuseen in wax laga raadsho qabashada xilal siyaasadeed oo kaliya, taasna xooga lasaaro, sheekha ayaa tilmaamay in qodobkani uu sii adkaynayo qabyaaladda.

2. aragtida ah fogaynta cidkasta ood ra’yi ku kala duwanaataan: shkiikha ayaa tilmaamay inaysan ceeb ahayn in ra’yi lagu kala duwanaado muslimiinta dhexdooda, balse ceebtu tahay in lagu kala tago layskuna colaadiyo wax aan colaad keenayn, taas badalkeedna ay qumantahay in lawada ilaaliyo midnimada umada oo uu sheekhu tibaaxay inay tahay asal diin ah ilaalinteedu

Sheekha ayaa tilmaamay in qabyaalada ay xal u noqon karto tusaalihii nabiga SCW ee ku dhisnaa in lagu wada dhago xariga alle, adkaynta walaaltinimada, sidoo kalana ay muhiimtahay in la muujiyo xumaanta qabyaaladda, lalana dagaalamo.

Sidoo kale sheekhu wuxuu tilmaamy inay lagama maarmaan tahay midnimada islaamiyiinta (inta isku raacsan in si nabad ah bulshada lagu soo dumo), maadaama ayagu bulshada indho u yihiin, si taas loo helana ay lagama maarmaan tahay in islaamiyiintu adkeeyaan mabda’a ah isu dunaanshaha iyo midnimada dadkana ku tarbiyeeyaan, sidoo kalana ay ku dadaalaan inay ka heshiiyaan wixii khilaaf hoose ah, iskuna tababaraan meelmarinta khilaafka, iyo cadaynta in isku colaytanka khilaafaadka hoose uu yahay raacida hawada nafta.

Sh. Maxamed macalin axmed oo ah maamule ku xigeenka jamacada bariga Africa ee bosaso, oo kalmada sadexaad qaatay ayaa  ku nuuxnuuxsaday kaalinta ay aqoonyahanku ka qaadan karaan isu dumida umada asagoo tibaaxay afar kaalmood oo kala ah:-

1. fidinta aqoonta iyo barbaarinta dhalanka: sheekha ayaa tibaaxay in badanka bulshada somaliyeed aysan waxna qorin waxna akhrin taasina ay caqabad weyn ku tahay horumarka bulshada, sidaas daraadeed ay aqoonyahanku saarantahay muhimada ah barista dadka aqoonta

Sheekha ayaa sidoo kalae sheegay inay muhiim tahay in dhalanka soo koraya lagu barbaariyo ixtiraamka bulshada, iyo gudashada waajibaadka ka saran dadka iyo dalka

2. heshiisiin: shiikha ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay in la heshiisiiyo umada nusuus badanna usoo daliiliyay, isagoo muujiyay in xilkaasi saaranyahay aqoonyahanka

3. sidookale shiikhu wuxuu sheegay in looga baahanyahay aqoonyahanku inay isku xiraan buslshada iyo inta ahlul xaliga ah

4. ugu danbayntii ayaaa shiikhu tilmaamay in looga fadhiyo aqoonyahanku inay hindisaan curinta siyaasad saliim ah oo umada iyo dalkaba u horseeda barwaaqo iyo naruuro.

Sidoo kale waxaa nadwada tacliiq uga qaybgalay sh. Jamac farax c/lla oo ah maamulha jamciyadda manhal faraceeda hargeysa, iyo DR. c.fitaax maxamed barkhadle oo ah aqoonyahan ku sugan sudan

Ugu danbayntii nadwadan oo socotay mudo laba saac ah ayaa ahayd mid aad loogu riyaaqay aadna looga faa iidaystay.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online