Puntland oo Bandhigtay Dhalinyaro ay ku sheegtay in ay yihiin Al-Shabaab

September 6, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari labo dhalinyaro ah oo ay Puntland ku sheegtay in ay ka soo baxeen Buuraleyd  Golis wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  ayaa galabta saxaafada kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Boosaaso.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa saxaafada u soo bandhigay Labo dhalinyaro oo ka soo baxay ciidanka Al-Shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis sida uu saxaafada u sheegay wasiirku .

Labada Dhalinyarada  ah ee maanta lagu soo bandhigay Boosaaso ayaa waxaa magacooda lagu sheegay Sharma’arke Cabdi Maxamed iyo Saciid Cumar Yuusuf waxayba sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab mudo ka badan hal sano.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay mana jiraan cid xaqiijineysa in laba dhalinyaro ee la soo bandhigay in ay ka mid yihiin Al-Shabaab marka laga reebo Maamulka Puntland.

Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa dhowr mar oo kala duwan waxay saxaafada u soo bandhigtay rag ay ku sheegtay in ay ka soo goosteen Ururka Al-Shabaab ee ku jira Buuraha Golis waxaan ugu danbeeyey dhalinyaro ay ku soo bandhigya deegaanka Af  Urur.

 

 

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online