Ra’iisul Wasaaraha JFS oo ka qeyb galaya shirka QM oo kulamo la qaatay Madaxda Adduunka.[Sawiro]

September 25, 2012 - Written by

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan New York oo uu ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobey ee Golahiisa Guud ayaa kulamo la qaatay Madax ka kala socotay waddamada Adduunka oo uu kala hadlayey xaaladda waddanka, isbedelkii dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo doorashadii Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo farriin uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Kenya, HE Mwai Kibaki, Madaxweynaha Northern Cyprus ee Turkiga, HE. Dr Dervis Eroglu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway HE Mr. Heikki Holmas.
Madaxweyne Kibaki ayaa hambalyo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Dr.Abdiweli Mohamed Ali iyo dhameystirkii xilliga KMG ah isagoo ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Abdiweli inuu hoggaan suuban la yimid oo suurto gelisay in Soomaaliya uu ka dhaco isbedel demoqraadiyad ah. Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xiriirka labada shacab ee dhanka dhaqaalaha iyo horumarka, iyagoo xusay in Somalia oo nabad ah ay ka dhigeyso geeska Africa nabad.

no images were found

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway HE Mr. Heikki Holmas ayaa waxey ka wada hadleen sida ay Norway uga qeybqaadan karto isbedelka iyo horumarka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka codsaday Norway inay dib u dhiska dalka iyo sidii hay’adaha Dowladda loo dhisi lahaa ay ka qeybqaataan, isagoo xusay in saacidaada toos loo siiyo NGO-yada ay keeneyso inay wiiqdo awoodda dowladda. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway ayaa ku raacay Ra’iisul Wasaaraha sheegeyna inuu la xiriirayo waddamada kale sida kuwa Yurub sidii dowladda toos loogu saacidi lahaa si loo dhiso hay’adaha Dowliga ah.Sidoo kale labada mas’uul waxey isla garteen in goobaha iyo deegaanada dalka loo baahanyahay in la gaaro oo la fahamsiiyo nabadda inay rajo iyo nolol ku jirto.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-616084650
 +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online