Ra’iisul Wasaaraha JFS oo kulamo la qaatay Madax ay ka mid yihiin Barack Obama Iyo Ban-Ki-Moon

September 26, 2012 - Written by

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatatay madax kala duwan oo ka qayb galaysa kulanka sanad laha ah,  waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iiusl wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu.

Uga horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda kala duwan uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya ee dhanka siyaasada iyo Amniga isagoona u sheegay madaxdaas in  Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka siyaasada ah kadib markii 20 Augst la dhaariyey Baarlamaan cusub  sidoo kale 10 Sept. si dimuquraadiyadi ku jirto  loo soo doortay Madaxweyne Xassen Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaaraha ayaa xalay kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee UN waxaan shirkaas goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon iyo Mahiga, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa dowlada Soomaaliya iyo QM, iyadoo dib u eegisna lagu samayn doono  qaabkii loo wada shaqayn jiray xiligii uu dalku ku jiray KMG madaama ay Soomaaliya maanta lee dahay dowlada Rasmi ah.

Ug danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa maanta inuu ka qayb galo kulan gaar ah oo diirada lagau saarayo arimaha Soomaaliya waxaana kulankaas shir gudoominaya Xooghayaha Guud ee QM iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaana kulankaas looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo Amniga, Ra’iisul wasaaraha ayaa bari kulan laqaadan doona madaxweynaha South Africa Jocab Sumu, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doonaa shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

 

DHMAAAD

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online