Raisulwasaare Cabdi weli Gaas oo canbaareeyey qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

September 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi qaran u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadii iyo eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxyadii arxandarada ahaa oo lala beegsaday maqaaxi laga qaxweeyo oo ku taala agagaarka guriga hooyooynka.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa wariyayaashii ku geeriyooday goobtaas oo ka howl gali jiray TV Qaranka,  iyo Agaasimihii Radio VOD, wuxuuna ilaahay ugu baryayaa inuu janatul fardowso ka waraabiyo Samir iyo imaana ka siiyo dhamaan qoysaskooda, shacabka Soomaaliyeed iyo bahda saxaafada. 

Ra’iisul wasaaraha ayaa cambaareyey qaraxyadaas lala beegsaday dadka shacabka iyo wariyayaasha isagoona tilmaamay in ay dhaqan u tahaya kooxaha nabad diidka ah inay markasta oo looga itaal roonaado dagaalada ka socda gobolada ay shacabka bartilmaameedsadaan, dhacdadaana aysan niyad jabin dooni dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii loo wiiqi lahaa kooxaha Argagaxisada ah.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha aya sheegay dilalka loo geysato wariyayaasha iyo shacabka aan hubaysnayn inay tahay xad gudub kan ugu sareeya, waan fulaynimo aan loo meel dayin waxaana u soo jeedinayaa cambaareyn kuwii geysatay xasuuqan wuxuuna faray Ra’iisul wasaaruhu in ciidamada amniga ay deg deg u keenaan cidii soo abaabushay xasuuqan, lana hor keeno cadaaladda.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay wariyayaasha in aan cadowga loo biqin kuwii shalay xaqdarada loo dilay waa shahiidiin, waana indhihii iyo muuqaalkii bulshada, Alshabaab waxay doonayaan in ay Bulshada indhaha ka ridaan lagama yeelayo loomana baqanayo.

Diraac Salaad Fagaase
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online