RW JFS Oo Kulamo La Qaatay Madaxweynaha S.Africa Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ee Imaaratka Carabta.

September 27, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo wasiirkiisa arimaha Dibada Cabdulahi Xaaji ayaa kulamo kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York madax kala duwan iyagoona ka wada hadlay arimaha soomaaliya iyo isbadalda siyaasadeed ee ugu danbeeyey oo dalka ka dhacay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay wasiirka Arimaha Dibada ee isu taga Imaraatka Carabta Sheikh Abdullahi Bin Zayed Al Nahyaan ayaa soo dhaweeyeye marxalada cusub ee ay gashay Soomaaliya wuxuuna balan qaaday in dowalda isutaga Imaaraatka Carabtu ay kordhin doonto taageeradii ay siin jirtay Soomaaliya siina wadi doonto xariirkii ka dhaxeeyey labada dal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweynaha South Africa Jacob Sumu wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ka warbixiyey xariirka siyaasadeed oo bilowga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood isagoona ku  aamanay dowlada South Africa gacantii ay ka gaystay Abaartii ku dhufatay dalka sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha South Africa Jacob Sumu ayaa sheegay in Soomaaliya iyo South Africa uu ka dhexeeyey xariir walaaltinimo isla markaan uu balan qaadayo in dalkiisu ka taageerayo Soomaaliya dhanka nabad galyada, sara u qaadida iyo tayeeynta hay’adaha Dowlada.

no images were found

Dhanka kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kulan la qaatay Xooghaya Arimha Dibada ee Maraykanak Arimaha Africa Jonnia Carson wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay horumarka dhanka siyaasada ee Soomaaliya wuxuuna hambalyo u diray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kula la qaatay madaxweyne ku xigeenka JaziiradaSychelles iyagoona ka wada hadalay arimaha burcad badeedka oo dhibtaato ba’an ku haya labada dal iyo mustaqbalka sida laga yeelayo maxaabiista faraha badan ee ku eedaysan burcad badeednimada oo ku jira xabsiyada Jasiirada Sychelles.

Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director.
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online