Safiirkii dalka Mareykanka u Fadhiyey Libya oo dhintay iyo Banaanbax ka socda Libya iyo Masar

September 12, 2012 - Written by

Qaahira:-Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo film lagu aflagaadeeyey Nabigeeni Maxamed NNKH ayaa waxaa uu ka socdaa dalalka Libya iyo  Masar waxaana dab la qabadsiiyey Safaaradaha iyo Qunsulka wadamada Libya iyo Masar.

Dadweyne gaaraya kumanaan oo ka careysan film lagu aflagaadeeyey Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ayaa xoog ku galay safaarada dalka Mareykanka  ku leeyahay wadamada Libya iyo Masar waxayna dulka soo dhigeen calankii dalka Mareykanka.

Filimka wax looga sheegayo Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee ayaa waxaa sameeyey nin Baadiri ah oo ka soo jeeda dalka Masar oo oo haysta diinta baadilka ah ee Kirishtaanka wuxuuna ka mid yahay jilayaasha ruwaayadaha .

Banaanbaxyada ka socda wadamada Libya iyo Masar ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay safiirkii dalka Mareykanka u fadhiyey wadanka Libya ka dib markii lagu gubay xafiiskiisa waxaana calanka uu ku qoran yahay Tawxiidka laga taagay Qunsuliyada dalka Mareykanka ee ku taal Libya iyo safaarada Mareykanka ee dalka Masar

Hoos ka Daawo Banaanbaxa ka socda Magaalada Qaahira ee dalka Masar

Daawo Sida loo gubay Safaarada Mareykan ee dalka Libya

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waa mahad ilaahay inay muslimiintu saas uuga dhiidhiyaan xumaanta lagula kacay nabigeena suuban sallahu calayhi wasalam

    waxaana loobaahanyahay inay muslimiintu ficil kasta oo diinta iyo muslimiinta lagula koco ay saas uuga dhiidhiyaan oo ayna marnaba xumaanta lagula kacayo muqadasaadkooda udulqaadanin

    mahadsanidin

Leave a comment

*