Shirweynhii 12 aad ee Soomaalida Minneapolis oo habsami u socda (Sawiro + Video)

September 2, 2012 - Written by

Minneapolis :-Waa maalinkii labaad, shirweynaha 12aad, waxaa hadda buux dhaafay dadka soo buuxiyey Hoolka weyn ee shirarka bartamaha Minneapolis, ilaa 6 ilaa 7 kun ayaa fadhiya, dad badanna weli dibadda ayey taagan yihiin..hoolka luqada soomaaliga waxaa hadda ka socda qalinjebinta ardayda dugsiyada qur,aanka oo gaaraya 200 gabdho iyo wiilal oo qur,aanka dhameeyey.

Waxaa ka muuqda wajiyada dadka farxad iyo ray rayn.. Gabadh ka mida gabdhaha qalin jebiyey ayaa hadda kelmad xijaabka ku saabsan jeedineysa. Maashallaah. Hoolka luqada ingiriiska waxaa ka socda muxaadaro uu jeedinayo sh. Abdulbaari yaxye oo u dhashay muslimiinta vietnam. Waxaa kaloo shirka kasokow culimada soomaaliyeed wax ka jeedinaya culimo muslimiina oo kale sida sh. Abdul baari yaxye, vietnam u dhashay, Dr. Maxamed Hayafi u dhashay Yemen, Sh. maxamed Sousi..sh. Cukasha oo u dhashay ghana. Shirka waxaa dhinac socda ganacsatada soomaaliyeed oo hoolalka kusoo bandhiga ganacsiyo kala duwan sida isgaarsiinta, warbaahinta TV yada, Maktabadaha, waxaa kaloo miisas ku leh hay,adaha samafalka sida HARO iyo ARAHA.

no images were found

Waxaa kaloo maanta shirka soo booqday kelmadna ka jeedisey mid ka mid ah Senetarada Gobolka oo la yiraahdo Sen. kolobuchar. Shirku ilaa berri ayuu soconayaa inshallaah, axadda, waxaana la filayaa inuu noqdo shirarkii ugu dad badnaa ee jaaliyadda soomaalidu ku qabato dalkan ilaahay fadligiis, waxaa ka baxayaa muxaadarooyin kala duwan af soomaali, afcarabi, af ingiriisi, dawrooyin, la talin, iyo nashaadaad kala duwan. Gadaal ayaan kasoo gelin doonaa sawiro badan iyo warbixin faah faahsan inshallaahu.

Alyaqiin+Halgan.net
Minneapolis

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc war wab.

    Maashaa allaah, wallaahi markaan qoraalkan qorayo waxaa indhahayga ku taagan ilin, waxaana aad oogu faraxsanahay gabdhaha xijaaban iyo wiilasha sunadu ka muuqata ee qurbaha sidaas diintoodii loogu tarbiyeeyay, ilowhow jano fardowso gee iyaga iyo macalimiintii sidan wanaaga badan u tarbiyaysay iyo websitkan qiimaha badan ee noo soo gudbiyay farxadan oon waligayba ka arkin qurbaha, aniga waxaan joogaa muqdisho gudaheeda sidan oo kale waa hore ayaa iigu danbeysay suno yar yaa iga muuqata waana la igu dhibaa.

    marka waxaan idin leeyahay ducaada dibada joogtaa ilaahay jano fardowso ha idinku abaal mariyo.

  2. Maashaa Allaah waa arrin khayr ah oo aan la inkiri karin. Ilaahay khayr ha siiyo walaalihii soo qayb qaatay iyo kuwii soo qabanqaabiyey.

  3. Ilahay baa mahad leh waxaan oo garab soomaliyed xijaaban oo qurbah ku nool waxaan oran karnaa hanuunka ilaahay ka sokow waa fadliga ducaada har iyo habeyn u soo jeeda sidii ay baadida ooga ilaalin la haayeen dadkooda ilaahay kheyr aan la soo koobi karin ha idin ku abaal mariyo.

  4. baarakaalahu fiikum reer minneapolis. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu culimada kale ee naloo diiday sanadka danbe noo sahlo.

Leave a comment

*