Tacsi ku socota Reer Xuseen ilkadahab

September 22, 2012 - Written by

Inaa Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajucuun Anagoo ah reer C/qaadir max’ud cilmi, reer Abshir Max’ud cilmi iyo reer Inj Yusuf  Max’ud cilmi oo ku kala nool  Yurub, North America Australia iyo Afrika. Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkaan ugu direynaa dhamaan reer  Hussein Ilkadahab.Waxaana uga Tacsiyeynaynaa Geeridii lama filaanka aheyd ee naxdinta laheyd ee  ku timid wiilkeen/walaalkeen Marxuum Prof. Mohamed Hussein”ILKADAHAB” maalintii Khamiista 20-kii septemberoo ku geeriyoodey Waddanka Bulgaria.

Waxaan Eebe uga baryeynaa in reerkiisa, eheladiisa iyo qaraabadiisaba samir iyo iimaan ka siiyo.Isgagana jannatul firdowsa ka waraabiyo. Aamiin.

Halgan.net

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Inaa Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajucuun anagoo ah reer Maxamed cali xaaji iyo reer Cumar maxamud xaaji oo ku kala nool Yurub North America Africa Saudi Arabia Waxaan Tacsi tiiraanyo leh halkaan ugu direynaa dhamaan reer Hussein Ilkadahab.Waxaana uga Tacsiyeynaynaa Geeridii lama filaanka aheyd ee naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Prof Mohamed Hussein Mohamed Ilkadahab maalintii Khamiista 20-kii september oo ku geeriyoodey Waddanka Bulgaria.
    Waxaan Eebe uga baryeynaa in reerkiisa, eheladiisa iyo qaraabadiisaba samir iyo iimaan ka siiyo.Isgagana jannatul firdowsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

  2. Acallaamu calaykum

    Waxaan tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan caruurtiisii iyo xaaskiisii iyo eheladii uu ka tagay, Dr. Mohamed Husein Mohamed Ilkadahab, meel kasta oo ay kala joogaan . waxaan ilaahay uga baryeynaa naxariistiisa inuuu ku galladaysto. Ehlujannana ka dhigo . dhammaanteena samir iyo imaan inaga siiyo.

    Marxuum DR. Mohamed Husein Mohamed Ilkadahab waxaa la aasayaa maanta 23.09.2012 markay saacadu tahay 15:00 wadanka Bulgaria , caasimada Sofia laguna aasayo Qabuuraha muslimiinta ee BOYANA, halkaas oo lagu tukan doono Salaatuljanaaza masajidka ugu weyn wadanka Bulgaria- Sofia.
    aaska marxuumka waxaa ka soo qayb galaya qaar ka mid ah Safaaradaha ajanabiga oo ay ka mid tahay safaarada Sudaan , marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin Turki, syria,Masar iyo Somali gaadhaysa 25 qof oo ku sugan wadanka.
    waxaan mahad gaar ah u diraynaa DR. Rage Abdiqadir iyo Dr.Yusuf Abdikadir . oo sababay aaska marxuumku inuu u dhaco si aad wanaagsan

  3. amiiiiiiiiiin

  4. asalamau calaykum
    halkaan waxaan tacsi tiraanyaleh ooga dirayaa reer ilakadahab iyo waliba saaxiibkayga qaaliga ah DR,Raage iyo dhammaan waalid iyo waalaal intaba.
    waxaana ilahay ooga baryi inuu sabar iyo iiman kasiiyo, walaaka geeriyoodayna uu naxariista rabbi ee waasica ah uu siiyo
    aamiin aamiin aamiin
    abuu dalxa

Leave a comment

*