Tirintii Codadka Wareegga Kowaad Oo la soo Gaba Gabeeyey Iyo Natiijo Hordhac Ah

September 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa haatan la soo gaba gabeeyey tirinta codadka wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha cusub ee DFS waxaana ugu cadcad wareegii koowaad Madaxweynihii hore ee DFS Shariif Sheekh Ahmed waxaana ku xiga Xasan Sheekh iyo Raisulwasaarihii hore ee DFS Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaana u gudbi doona wareega Labaad ee Doorashada DFS 4 musharax ee ugu horeeya waxayna kala yihiin.
1-Shariif Sheekh Ahmed 64
2-Xasan Maxamed Sheekh 60
3-Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas 30
4-C/qaadir Cosoble 27

Waxaa daaqada ka baxay oo ka haray in ay u tartamaan xilka Madaxweynenimada DFS musharaxiinta kala ah .

Maxamed Cabdulahi Farmajo 14 oo helay cod.
Proff Axmed Ismaacil Samatar 8 oo helay cod.
Yuusuf Garaad Cumar 8 oo helay  cod.
Cabdiwaxid Goonjeex oo helay 3 cod
Maxamed Cabdiweli Shiikhoo helay 3 cod
Maxamed Yaasin oo helay 2 cod
Cismaan Maxamed Gacal oo helay 1 cod
Siciid Ciise Maxamud oo helay 1 cod
Sakariye Xaji Maxamuud Cabdi 1 cod
Maxamed Cabdulahi Oomar1 cod

Waxaa laga dareemayaa xarunta School Polizio  is xulufeysi adeg oo u dhexeeya 4 musharax ee ugu horeeya haatan codeynta ka socta xarunta School Polizio waxaana laga dareemayaa hoolka ay ka socoto doorashada jahwareer xooggan waxaana daaqada ka bixi doona qofka ay 3 musharax ay dhinac ka maraan

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online