Ururka Islaax oo Hambalyo U diray Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sh Maxmuud

September 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada Islaamiga  ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

 Nuqul ka mid ah Bayaanka oo soo gaaray Halgan.net ayaa Ururka Islaax waxaa uu guul iyo isbedal ku tilmaamay guusha Madaxweynaha JFS ee ku guuleysta doorashadii  la qabtay 10 bisha Sep 2012.

Ururka islaax ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed iyo qeybaheeda kala duwan ee Bulshada in ay taageero hiil iyo hooba la garab istaagaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud .

Ururka Islaax ayaa sidoo kale u hambalyeeyey Gudoomiya Baarlamaanka DFS Pro.Maxamed Sheekh Cusmana Jawaari  sida uu u maamulay doorashada.

Bayaanka ay soo saareen Ururka Islaax ayaa u qornaa sidan soo socota
 

BAAQ TAAGEERO ISBEDELKA CUSUB EE DALKA    13/09/2012

Ururka Islaax wuxuu ugu hambalyeynayaa Shacbiga Soomaaliyeed isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, laguna doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si uu wadanka u hogaamiyo.

Ururka islaax, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, una muujinayaa taageero buuxda , wuxuuna Allah uga baryayaa inuu la garabgalo xilkaasi culus.

Waxaa kale oo Ururuku u hambalyeynayaa gudoomiyaha iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub.

Ururka islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo Ururada bulshada rayidka qaybahooda kala duwan in ay si hagar la`aan ah u garab-istaagaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaaro himilooyinka la higsanayo.

Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya , urur goboleedyada iyo beesha Caalamkaba in la siiyo dowladda Soomaaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahantahay si dalkeena hooyo uu mar kale cagahiisa isugu taago.

Wabillaahi Towfiiq

Dr. Alibashi Cumar Xaaji
Gudoomiyaha Ururka

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online