Wafdi culimo ah oo uu hogaaminay Sh Axmed Cabdisamad oo gaaray Gobolka Awdal.[Masawiro]

September 20, 2012 - Written by

Boorama:-Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal waxaa safar Dacwo ku jooga Wafdi Culimo ah oo uu hogaaminayo Sh.Axmed Cabdisamad C/lle oo ka mida Culimada Soomaaliyeed, Ujeedka Safarkooda ayaa ah horumarinta Dacwada Gobolka Awdal. Kulamo kale duwan oo ku aadan Dacwada waxey la qaateen Culimada iyo Ducaada kale ee Gobolka gaar ahaan Magaalada Boorama, waxeyna ka wada hadleen sidii loo hor marin lahaa Dacwada Gobolka iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa.

Sheekha iyo Culimadii kale ee la socotey waxey kulan dacwdo la qaateen Ardeyda iyo Ducaada Machadka Zaylac ee Magaalada Boorama, waxa uuna Sheekhu halkaa ka jeediyey kelmad dhiiri gelina oo ku aadan guud ahaan Dacwadu halka ay mareyso iyo Mas’uuliyada naga wada saaran.

no images were found

Ardeydii iyo ducaadii kale ee Culimadaku kulanka la qaateen waxey ku adkeeyeen si gaara Mas’uuliyada uga saaran Dacwada iyo ka shaqeyn teeda iyo sidii ay u gaarsiin lahaayeen qeybaha kale ee Gobolka. Naf iyo Maalba, dacwada oo loo hagar baxo ayuu Sheekhu sheegay in lagu gaari karo hadafka dacwadeed ee aynu leenahey iyo sidii Bulshada kale ee nagula dhaqan Afrikada Bari aynu u gaarsiin laheyn.

Waxaa iyana goobta ka Hadley Culimo ay ka mid yihiin Sh Muxamad Xuseen Cali (Deeq) iyo Maamulaha Macadka Shareecada Ee Zaylac Sheikh Xasan Khayre Dirir oo dhankooda adkeeyay Muhiimada ay leedahey ka shaqeynta Dacwada iyo gaarsiinta dadka u haraadan, waxey kaloo adkeeyeen in Diinta laga dhigto dhaqan ooyna noqon oo keliya sheegasho.

Waxaa lagu wadaa Culimadu intey joogaan Gobolka Awdal, socdaalo iney ku maraan qeybaha kale ee Gobolka iyo kulamo ay la qaataan qeybaha kale ee Bulshada ugana hadlaan dar-dar gelinta dacwada iyo ka shaqeynteeda.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online