Wararkii ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose

September 28, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararkii ugu danbeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanka dalka Kenya ,DFS iyo kuwa Raaskaambooni iyo Al-Shabaab ay is dhaafsanayaan galabta Madaafic ka dib markii ay saaka xeebta magaalada Kismaayo ka soo dageen ciidanka Kenya.

Ciidanka dalka Kenya , DFS iyo kuwa Raaskaambooni ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo Ceel-dhiig waxaana ay dhufeysyo ka qoteen halkaas halka Ciidanka Al-Shabaab ay difaac kaga jira meel aan sidaa uga fogeyn deegaan ka  Ceeldhiig.

Qaar ka mid ah Madaafiicda ay tuurayaan ciidanka Kenya ayaa waxay ku soo dhaceen xaafada Farjano gaar ahaan deegaanka Buulo Abliko ee Koonfurta magaalada Kismaayo waxaana ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in qof rayid ah uu ku dhintay waxaan dhaawac uu soo gaaray ilaa 3 qof.

Dhanka kale wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ,DFS iyo kuwa Raaskaambooni ee ka soo ruqaansaday deegaanka Birta Dheer ayna soo gaareen galabta deegaana Canjeel oo 30-KM u jirta magaalada Kismaayo .

Afhayeenka Ciidanka miletariga ee dalka  Kenya Col Cyrus Oguna ayaa mar uu saaka wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in ciidamadiisu  ay qabsadeen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo waxaana ku raacay afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad .

Afhayeenka dhinac howlgalada ee ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay fashiliyeen ciidamo ku soo degay xeebta magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Ceeldhiig wuxuuna ku goodiyey in ay ku jabi doonaan duulaanka ay ku soo qaadeen magaalada Kismaayo wuxuuna intaas ku daray in ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa caawa degan waxaana la xiray saaka dhamaan goobaha Ganacsiga ,Iskuulada waxaana ay saraakiisha ciidanka ururka Al-Shabaab ugu baaqeen shacabka in ay ka qeyb qaataan difaaca magaalada .

Gudoomiyaha Ururka Raaskamboni Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ciidamadooda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin deeganka Canjeel ayna u sii gudbi doonaan magaalada Kismaayo mar u wareysi siiyey idaacada VOA .

Ciidamada ayaa  waxay ku kala sugan yihiin ciidamada huwanta waxay caawa u hoydeen Ceeldhiig ,Ceel caafimaad halka Al-Shabaab ay difaac kaga jiraan meel aan sidaa uga fogeyn .

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online