Wiil uu dhalay Sh.Nuur Baaruud Gurxan oo Muqdisho lagu dilay

September 17, 2012 - Written by

Allaha u naxariistee waxaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho wiil uu dhalay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ay dileen koox hubaysan oo aan la aqoon haybtooda , Maxamed Nuur Baaruud  Gurxan ayaa waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqayn jiray waaxda amniga gaar ahaan dhinac dhaqaalaha.

Maxamed Nuur Baaruud ayaa waxaa dhalay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenka hay.adda Culimada Soomaaliyeed kana mid ah culimada soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Maxamed Nuur Baaruud Gurxan ayaa la filayaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. inaaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan u tacsiyaynayaa sheekha ilaahay samir iimaan haka siiyo geerida naxdinta leh wiilka geeriyoodana naxariista rabi allaha siiyo dambigiisana allaha dhaafo

  2. sheekhu waa sheekh caam ah wanu kaxunahay in eey soo gaaran wax dhiba ah

  3. sheekha wanu tacsiyeynayena

Leave a comment

*