Xaalada magaalada Kismaayo oo degan iyo xiisad colaad oo wili ka jirta deegaanka Biibi

September 18, 2012 - Written by

Kismaayo:-Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan marka laga reebo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada oo barakacaya iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalka uu ku soo fido gudaha magaalada Kismaayo.

Shalay ayaa dagaalo culus waxay ka dhaceen inta u dhexeysa deegaanka  Biibi iyo Birta Dheer dagaalkaas ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho dhaawac gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay gobalka J/hoose.

Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada saaka inta u dhexeeya Biibi iyo Birta Dheer  ciidamada huwanta ayaa doonaya in ay qabsadaan deegaaano ku xeeran duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Janaay cabdala oo 67Km u jirta magaalada Kismaayo.

Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa waxaa la keenay shalay dhaawac ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxaana magaalada Kismaayo laga dareemayaa degenaansho mana jiraan cid ka tirsan ciidanka Al-Shabaab oo ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii shalay ka dhacay gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in ay 5KM u jiraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Afhayeenka ciidanka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo wareysi siiyey idaacada Afka Soomaaliga ee VOA ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in ay magaalada cidlo tahay ayna ku wajahan yihiin.

Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidamada huwanta ee dulaanka ku soo ah magaaalada Kismaayo isaga oo sheegay in gurmad ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen furimaha dagaalka.

Deegaanadii lagu dagaalamay shalay ayaa degan waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal ka qarxo goobaha la isku horfadhiyo waxaa aad u adag in xog buuxda laga helo dagaalka ka socda gobalka J/hoose iyo in la xaqiijiyo guulaha ay kala sheeganayaan ciidamada huwanta iyo Ururka Al-Shabaab.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online