Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sh Maxmuud oo goor dhow bilaabatay

September 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa goordhow si rasmi ah u bilaabatay xafladii caleema saarka Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxayna xaflada si heersare ah uga socotaa  Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya.

Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo ka socota Caalamka waxaana ilaa haatan soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalagn, Wakiilka Madaxweynaha dalka Sudan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka  Turkiga, Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Jean Ping, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee dalka Qadar.

Waxaa kale oo munaasabada caleema saarka madaxweynaha JFS ka soo qeyb galay  Wakiilo ka kala socda dalalka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, jaamacada Carabta iyo dalalka Kenya, Uganda, Burundi ,Tanzania ,Koofurta Sudan iyo wadamo kale oo badan.

Waxaa haatan ka socda hoolka  Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiya khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka soo qeyb gashay xaflada Caleema saarka madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud waxaana khudbad jeedinaya haatan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online