Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka DFS oo lagu dilay Muqdisho

September 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya Xildhibaan ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya xili uu ku sugnaa xaafadda Cali Boolaay ee degmada Waaberi .Xildhibaan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Mustaf Xaaji Maxamed.

Xildhibaanka ayaa waxaa toogtay 2-bo nin oo ku hubeysan Bistoolado waxaan  weerarka ka dib ay ku guulaysteen in goobta ay ka baxsadaan, Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa uu dhalay mid ka mid ah afooyinka uu qabo Madax weynihii hore ee DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Xildhibaanka la dilay ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyey ee ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya ee lagu dilo magaalada Muqdisho, dilka Xildhibaanka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili shalay qarax lala beeg saday Baar Village oo ay ka shaahaynayeen Wariyaal kale duwan oo ka howl gala Idaacadaha magaalada Muqdisho iyo dad shacab ah.

Qarax lala beegsaday Baar Village ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 27 qofoo ay ka mid yihiin wariyaal halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan ilaa 40 qof oo iskugu jira wariyaal iyo dad rayid ah ilaa hadda ma jirto koox sheegtay qarax lala beegsaday Baar Villag ee magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online