Afhayeenka Al-shabaab oo shir jaraa’id uu qabtay uga hadlay qabsashadii Kismaayo

October 3, 2012 - Written by

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere oo xalay shir jaraaid qabtay ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo ciidanka magaalada qabsaday , Sh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in mudo dhowr sanno ah ay ciidanka al-shabaab ay hortaagnaayeen ciidanka Kenya iyo ciidamada la socda ee Soomaalida ah balse weerar ay ciiidamadaas ku soo qaadeen maalmihii danbe magaalada Kismaayo oo iskugu jira cir , bad iyo dhul ah ay sababtay in ay ka baxaan magaalada si buu yiri khasaaro xooggan loo gaarsiiyo ciidanka Kenya.

Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage Sh. Cali dheere ayaa waxaa uu ku goodiyey in ciidanka Al-shabaab ay wadi doonaa dagaalka ay kula jiraan ciidanka dalka Kenya iyo ciidamada soomaalida ah ee la socda, Sh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku xusay in magaalada Kismaayo ay xeelada uga baxeen balse waxaa ku goodiyey in ciidanka Kenya ay ku jabi doonaa  dagaalka.

Ugu danbayntii ayaa Afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere waxaa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool Gobollada Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo in ay dagaal la galaan  ciidanka Kenya isagoo sheegay in ciidanka dalka Kenya ay u socdaan
kheyraadka dalkooda.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online