Arday loo tababaray Qiraa’aadka Quraanka Markazka Imaamu shaadhibi ee Laascaanood. [Video+Sawiro]

October 2, 2012 - Written by
Laascaanood:-Ardaydan ayaa waxa si wayn loo baray qaababka kala duwan ee loo akhriyo qiraa” Ooyinka quraanka kariimka ah” markazkan ayaa waxa uu qaatay arday xula oo laga sooxulay ardayda dhamaysatay quraanka laakiin u baahan in laga saxo Aqrintiisa iyo axkaamtiisa waxakale oo la barayay ardaydan kitaabo fara badan oo lagu dhisayo aqoonta uu siinayo Markazka Iimaamu Shaadhib  ee magaalada e Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay maamulaha Markazka Iimaamu Shaadhibi Sheekh Aadam C\dulaahi X, Xasan oo halkaas ka sheegay mudadii markazku uu jiray waxaa uuna sheegay in 6″ bilood lagu soo saaray araday namuudaj ah markazku waxa uu qaadanayay wiilal iyo hablo markazku waxa uu shuruud ku qaadanayay Ardayga oo ah inuu jiro 13sano jir  iyo in uu quraanka dhameeyay iyo inuu meel fiican ka gaadhay quraanka iyo inuu wato waalid masuul ka ah,ardayda uu macadku qaabilay waa badnayd.laakiin waxaa shuruuda buuxiyay  Waxay ahaayeen ilaa 19 arday oo maanta khaarkood dhamaysteen 6-dii bilood saad in dhihiina ku aragtaan Markazku hadda waxa uu ka fakarayaa sidii loo balaadhin lahaa looguna soo dari lahaa Maadooyin ku saabsan quraanka iyo kitaabka Alle.

no images were found

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Sh,Mubaarik oo ah madaxa dalada madaarista quraanka kariimka ah oo halkaas ka sheegay in injimciyada Nuur Quraan ay hiigsanayso in Gobolka Sool kaalmo  fiican ay ka galaan sidii kor loogu qaadi lahaa quraanka iyo barashadiisa Sh.Mubaarik ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin in ay ka qayb gali doonaan Tartanada caalamiga ah ee ka dhacaya wadamada Islaamka.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay C\qani Aw-daahir oo waalidka afkiisa ku hadlayay oo sheegay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ka faa’iiday staan barashada diinta islaamka iyo kor u qaadisteeda waxaa kale oo halkaas ka hadalay maamulaha shirkada Telesom C\dirsaaq Dhabayaco oo halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in ragu qaataan Masuuliyada ka saaran Caruurta Hooyinkana lalawadaago dhibaatada ay ku hayaan Caruurta” in lala qabto waayo ilmuhu haduu waynaado Hooyada u qabsoomi maayo markaa waxa la rabaa in Aabaha uu miijiyo doorkii waalidnimo.
Gabagabadii waxaa Halkaas ka hadalay Sheekh Axmed Maxamed Saleebaan oo ku booriyay waalidiinta iyo caruurta baranaysa quraanka inay dadaalaan waxaa uu sheekhu halkaas ka sheegay qiimaha uu leeyahay ilmaha quraanka la baro iyo faa’iidadiisa waxa uu yidhi sheekhu bal ka warama ilmo yar oo kitaabka alle xambaarsan ayaa ka fiican ayaa k amid ahaa hadaladiisa,waxa uuna halkaas  ka sheegay sh, Axmed kor u kaca deegaanadan ay ku talaabsanayaa dhanka Barashada diinta Islaamka iyo goobaha faraha badan ee wax lagu barto ee ku sii kordhaya deegaanadani.
Hoos ka daawo video-ga arday loo tababaray  Qiraa,aadka Quraanka ee Markazka Imaamu shaadhibi ee magaalada Laascaanood

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah waa arin lagu farxo aad ayaana oogu mahadcelinayaa dadkii fikradaan ka dambeeyay iyo kuwii wax ka qabtayba iyo ardada wax ka baraneysa, laakiin waxaa laga iloobay videoga in lagu soo daro arday riwaayad kale oo aan xafsa bin caasim aheyn ku akhrinaya sida duuri can abii camr ama warash can naafic, jazaakullaahu kheyraa aad baad u mahadsantihiin

Leave a comment

*