Cabdiweli Gaas DFS ha la taageero hana la siiyo Fursad ay ku shaqeyso(Dhageyso)

October 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Raiisulwasaarihii hore ee DFS Dr.Cabdi weli Maxamed cali Gaas ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada DFS in ay la siiyo fursad ay ku shaqeyso xukuumada uu soo dhisi doono Raiisulwasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) mar uu shalay khudbad ka jeedshay golaha Baarlamaanka DFS.

Raiisulwasaarihii hore ee Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Xildhibaanada iyo DFS in ay ka faa,ideystaan taageerada ay u heyso Beesha Caalamka wuxuuna xusay in mudada 4sano ah ay tahay mudo badan balse howsha sugeysa Raisulwasaare Saacid ay tahay howl badan oo u baahan wakhti badan.

Dhanka kale Ra’iisulwasaarihii hore ee  DFS Cabdi Weli Maxamed Gaas ayaa ka sheekeeyey waxqabadka xukuumadiisa iyo guulaha ay ka gaartay amniga iyo hergalinta dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu Danbeyntii ayaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu alle uga baryey Raisulwasaaraha Cusub ee DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) in howlaha u yaal uu alle la garab galo.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Raisulwasaarihii Hore ee DFS Dr.CabdiWeli Maxamed Cali Gaas.
[audio:https://halgan.net/Mp3/Gaas17.mp3] ama Halkan

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online