Ciidamada AMISOM iyo Kuwa DFS oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalka Sh /Hoose

October 9, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaarayo Degmada Walaweyn ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan duleedka garoonka Diyaaradaha ee Balli-doogle halkaas oo ay ka sameysteen  xarun ciidan.Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa raba in ay isku furaan gobalka Sh/hoose iyo Bay sida uu saxaafada u sheegay abaanduulaha ciidanka DFS Jen Cabdikariim Dhagabaden.

Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka geeyey saxaafada garoonka Diyaaradaha ee  Balli-doogle iyada oo ay saxaafada soo aragtay ciidamada huwanta oo ku sugan gudaha garoonka iyo duleedkiisa.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale diyaargarow iyo difaac kaga jira Degmada Buurhakabo ee gobalka Bay waxaayna saraakiishoodu sheegeen in iska difaaci doonaan duulaan kasta oo kaga yimaada ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS.

Ciidamda DFS  iyo kuwa AMISOM ay isbuucii la soo dhaafay waxaa ay la wareegeen degmada Wanlaweyn  halkaas oo uu ku yaal garoon istiraatiiji ah oo ay lahaan jireen ciidankii cirka ee dowladii Soomaaliya

no images were found

Ururka Al-Shabaab, ayaa sanadkan gudihiisa waxaa gacantooda ka baxay dhul balaaran oo maamulkoodu ka talinayey sanadihii la soo dhaafay ka dib markii uu culeys kaga yimid ciidamada huwanta ee AMISOM iyo kuwa DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online