Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo lagu weeraray Degmooyinka Shalanbood ,Balcad iyo Kismaayo

October 24, 2012 - Written by

Balcad:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in maanta ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM lagu weeraray qaraxyo kala duwan  kuwaas oo ay ka dhasheen khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa miino loo galiyey meel wado ah oo aan sidaa uga fogeyn Maxkamadii Degmada xiligii ay Balcad heysteen ciidamada Ururka Al-Shabaab  .Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa soo gaaray goobta qaraxu uu ka dib waxaana goobta laga qaaday sida ay sheegayaan dad goobjoog ah 5 askari oo dhaawac ah.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale lagu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS degmada Shalanbood ee Shabellaha Hoose,waxaana lagu qarxiyey miino meelaha fog laga hago .Ilaa haatan lama yaqaan khasaaraha soo gaaray ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa xalay waxaa lagu weeraray garoonka Diyaaradaha ciidamada huwanta ee ku sugan halkaas waxaana lagu riday hoobiye .lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada ku sugnaa garoonka Diyaaradaha maadama xilga uu weerarka dhacay ay ahayd goor habeen ah.

Ciidamada huwanta ayaa maanta howlgal ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo waxayna gacanta ku soo dhigeen tiro dhalinyaro ah oo ay uga shakiyeen in ay ka mid yihiin Ururka Al-Shabaab waxaana lagu xiray Saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo.

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online