Ciidamada huwanta oo si buuxda u galay magaalada Kismaayo iyo qarax laga maqlay

October 2, 2012 - Written by

Kismaayo:-War haatan naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si buuxda u galeen maanta duhurkii magaalada Kismaayo iyaga oo isku fidiyey dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo.

Ciidamada Huwanta ayaa waxay fariisimo ka sameystay xarunta degmada Kismaayo , saldhiga, Dekeda magaalada iyo garoonka diyaaradaha sida uu noo xaqiijiyey ilo wareed ka mid ah ducaada magaalada Kismaayo haatan ku sugan.

Ciidamada huwanta ayaa gawaari ay ku xiran yihiin  cod baahiye dadka ugu sheegay in ay is dajiyaan oo aan wax dhibaato ah loo geysan doonin cid gaar ahna loo socon iyaga oo ugu baaqay shacabka  in ay soo farfiiqaan kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab ay uga tageen magaalada gudaheeda.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ururka Raaskambooni ayaa u sheegay Halgan.net in ay magaalada ay ciidankoodu galeen wax dhib ah ama dagaal ahna aysan kala kulmin.

Sidoo kale goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo u waramay Halgan.net ayaa sheegay in ciidamo badan ay duhurkii maanta soo galeen magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in qarax laga maqlay xaafada Faanoole balse uusan aqoon wuxuu yahay qaraxaas.

Cabdi yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online