Daawo Video qiraal ay sameynayaan kuwii wax ka fuliyey dilkii Sh.Axmed Xaaji.[1aad,2aad]

October 26, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa dhawaan  soo gaaray Cajalkii 2aad ee Video ah oo ay diyaariyeen gudiga Madax banaan ee baarayey dilkii Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee, Gudiga Madax banaan ee baarayey dilka ay geysteen koox dhagar qabayaal ah ayaa guul ka gaaray in uu aqoonsado dhamaan cid alle oo qayb ku lahayd dilkii Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan .

Gudiga Madax banaan ee baarayey dilka Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa ay ka diyaariyeen ilaa hadda 2 cajal oo Video ah oo iftiimi naya qaabka loo dilay Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ciddii ka danbaysay iyo qaabkii loo abaabulay waxaan la filayaa in ay jiri doonaa xog badan oo ay bixiyeen dhalinyaro badan oo loo hayo dilka Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan.

Daawo Video qiraal ay sameynayaan kuwii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaji Ugaar ah Halgan.net
[Qaybta 2aad]


Daawo Video qiraal ay sameynayaan kuwii dilay Sheekh Dr.Ahmed Xaji Ugaar ah Halgan.net
[Qaybta 1aad]

 

Waxaa diyaariyey
Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista
dilkii Dr. Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Boosaaso
Halgan.net

31 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxa an dhilahaa Willkaan yar ha,ladaayo lakiin ninka kale ha la dilo maxaan yeelay waa nin Wayne qoladaan al shabaab la yiraahdo aragti ha Laguna dilo waa yaraanayaa

  2. Ilaahay ha unaxariisto sheekhii waxaanse is leeyahay waxaa loo baahan yahay in aad loo dadaalo wixii wax sii xumayn kara in laga fogaado iyo in si xikmad ah loo galo wax kastoo la galayo tan kale hadii la eego xaga xukunka waxaa iska leh go,aanka eheladii dhiiga u xigtay iyagaana ilaahay sii yay go,aanka waxa laga yeelayo waxaana la kala dooransiiyay in loo qisaaso , in diya laqaato iyo in ay cafiyaan cafiskuna waxaan wanaag ahayn ma keeno oo ilaahay ayaa kujeclaada adoomadiisa marka aan u wada ducayno sheekheenii samir iyo iimaan aalaha naga siiyo aduunka inagoo aya aka tagayna ilaahow nahagaaji khaatumadana noo toosi yaa alaah mahadsanidiin.

    • Allah waxaan uga baryayaa inuu unaxariisto sheekheenii qaaliga ahaa Dr.Sheikh Ahmed H.A/rahmaan wuxu qofa qaaliya oo ummada ka baxay Ilaahy badalkiisa ha ina siiyo. kuwan lamarin habaabuyayay ee ku dhiiraday dilka dadka hilibkoodu suntayahay ee xataa ayna banaanayn in wax laga sheeego iskadaa in la dilo eh ku dhiiraday inay dilaan inuu Alaah uu fahamsiiyo xaqqa.

  3. ILAAHAY HA U NAXRISTO SHIIQ AAD U QIMOM BADAN BUU AHAA,JANATUL FARDOWSA ALHA KA ABAAL MARIYO

  4. kuwaan oo dhan hala toogto

  5. Waa waxaa kala araga xun leh wax dilay sheekhii sharafta iyo karaamada lahaa.
    waa cadow inagu dhexjiree ILAAHAY inaga qabto

  6. asc marka hore mustaf saaxiibki waxaan jeclaanlahaa inuu noofahfaahiyo sitii uu ugalay iyo sitii uu uga baxay markuu kalayay waxa loosheegay markuu kabaxayay sababtuu ukabaxay kabixitaankii waxuu kalakulmay walaale hadaad awood uleedahay biloow ilaadhamaad wax nooga sheeg miskax daydaa waxaa kawaynaatay waxa dhalinyarada loosheegay oo indho tiray waadna kuu halbalyaynayaa illaahii kasoo mixiyay

  7. to : mustafa sxbkii
    mrka hore walal asc..
    mrka xiga …waxan kdhhi laha ….adi ALLE dambi dhaaaf waydiso…… ALLE wuxuu kuyiri nabigiiisa (walaaatakun lil khaaa,iniina khasiiimaaaa)….hanoqonin mid u doooda kuwa khaaa,imiiinta ah.
    shiiiiqu aduuba abti iyo saikh kuu ahaye ….ani abti iyo ader tona ima ahayn ….hal mar uuun ayana waligey muxadaro uu jedinayay fadhistay mar uuu jamacad aaan dhiganayay nogu yirid…..hdad max,uuud saleemaaan tahay…. ..habargidir …qasatan sacad..baaan anigu ahay.nasab ahan mel iskama soo galno shaikha…..laaaakin …dinta aya nawalaaalaysay …. ooo naga dhigtay kuwo hal qalbi oo kale ah…..marka waxan kaaacodsanayaa walal in aaadan u dooodin mustafa iyo kuwo lamidka ah …waxay mudan yihin in addunkan ladhaaafiyo …si ay noo dhafiyeeen calimkeni wayna ..alaha u raxmadee……
    marka walal ..naxaristu waaaa muhim …..lakin waxay kutahay kuwa naxariiiista……eeee qoral dheeer ha,usooo qorin mar dambe kuwa dambiiilayaaasha ah ….sida ragan ooo kale….wcs

    • waan ogahay sxb lkn ani kuwa kale uma doodaye ii cunuga yar hadana lagu khasbay inuu falka wax ka fuliyo ban ka hadlayaa wana lagu khasbanyahay in la sii dayo waxaan ugu doodayaa wax kale ma ahane naftayda alle ka sakaw isagaa bad badiyey wax walba oo an ku badbadin karona waan sameenayaa insha allaah allana ha igu garab galo

    • marka hore waxaan leeyahay shiiqa illaahay naxaristii jano haka waraabiyo maxaa yeelay waxaa dishay gacan ka xaqdaran mida ayada ahna illaahay ayaa la xisaabtami doona mida kale waxaan rabaa ninka mustaf sxb kiisa ah waxaan way diinayaa walalow haduu wiilkaas yarka ah ku badbaadiyay sida aad sheegayso maxaad u badbaadin wayday oo aad u dhihi wayday marka ad aragtay in fikirka ay ku shaqaynayaan nimankan in uu qaldan yahay walalow iskaga soo tag meeshan diin ma taalee waa adiga inta ka tagay markii uu ku badbaadiyay asagana qaladkii aad ooga tagtay ayuu maanta dhaxfadhiyaa taasna abaalkeedu wuu mari aduun iyo aaqiro midkuu ku maroba adigana hada kuuma haboona in aad tiraahdo wiilkaas yarka ah waa la qalday ee waxa kuu haboonayd markaad qaladka aragtay in aad ka bixiso sidii aad adigaba ooga baxday hadana asagana waxa uu illaahay u qoray un buu la kulmi

      • walal waa runtaa lkn ani waan u sheeegay wuxuuna i dhahay labo qof oo sxbbaa haday hal mar wada baxaan waa nalaga shakinayaa wana nala dilayaa marka waan so baxayaa lkn wakhtigeedaan la eeganayaa ok baan iri wakaa sxb ana naftaydaan ku khamaray oo way idili gareen heer waxaan garay gurigii an ku dhashay an ku noolaan wayo oo an ka cararo

  8. allah baa mahad oo dhan leh, waa arin wanaagsan in la helo Xogta Dambiilayaashii dilay Dr-ka waana in cadaaladda la mariyaa, waxaan kaloo usoo jeedinayaa kuwa kale ee la fikirka ah ee la marin habaabiyey inay ku waano qaataan kuwaas oo ay ka waan toobaan toobaddana u soo laabtaan. waxay kaloo ila tahay Dadkaan la hayo oo sheekha dilay inay shiikha kaliya diline ay dileen dad kale oo fara badan sidaas darteed in sifiican loo baaro cidii kale oo ay dileen iyo waxa ay ka ogyihin culimadii iyo waxgaradkii kale ee lagu dilay Gobolada Puntland,si baaritaanku u balaarto una soo afjaro dambiile oo dhan.

  9. ilaahay baa mahad iskaleh intaa kadib
    waa wax laga naxo in qof muslim ah uu dilo midkale oo isna muslim ah waxaan ku talin lahaa ina lageeyo dadkaa maxkamad shareecada islaamka ah laguna xukumo laguna qaado xukunka ilaahay

  10. asc walaalayaal waxaan leeyahay marka hre alle sheekhena ha unaxariisto kuwiidilana alle haku tuso aduunka dhib iyo dheef la.aan iillaahow rabiyoow adyynka kufadeexeey adaa qayuuma kwii dilay kuwii amray kuwii kusaaciday wallaahibillaahi sheekha markaan maqlay arkay taariikhdiisa waaan ilmeeyay walaahi alle kuwaas ma mooga waxa ay ku keceen waxaanse dhihilahaa hadiiba lahayo cadayn kuwaas la khaarajiyo iillaahayna kuwa wax cafiyaa wa uu jecelyahay walaalayaal masaladu waa wax wayn dadka kudhiiraday in ay naga laayaan dadkeena wax galkaa hala khaarajiyo iillaah rabiyow kuwaas fadeexeey aduunyada aakhirana ku abaal mari jahnabo cadaabkeeda dhamaan cidkastoo kuleheed fikir dilka DR sh axmed

  11. Asc.

    Maalintii dhibkaan bilawday ilaa maanta waan ogaa inay shabaab u shaqeeyaan dadka lidka ku ah qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed…

    Waxa la socdana waa inan gumeed iyo mid ciil ku kor ah. Waxay had iyo jeer dilaan kan Alle ka cabsada waxayna ka baqaan ama ay bulaaliyaan burcad badeeda iyo mooryaanta…

    Waxaa diliil u ah waxay dadka ka ugaartaan goobaha cibaadada iyo inta samaha jecel.

  12. uma abdulqafar ascw shekha alha unaxariisto wuxuu ahaa dayax shan ah oo u soobaxay umada muslimiinta ah gaar ahan umada soomaliyed meel ay joogaanba waxaan ilaah ugabaryaayaa inuu janadafardowsal aclaa kawaraabiyo aamin aamin waxan ujeednaa in laqalday yarka waxan kacosaneynaa rer puntlan gaar ahaan beesha leelkase ineey xixgeliyaan codsigeena oo ay cafiyaan yar sababahajira owgod waasebi yar oo lakhalday hala eego naxariista ale waxa banaan in lacafiyo aladarti
    wabilaahi towfiq

  13. Asc wr. Rabi ha u naxariisto sheekha gacanta ka xaqdarani ay dishay. Waxaan ku talin lahaa in la mariyo dambiilayaashan sharciga ciqaabta ee shareecada Islaamka.

  14. alaah dr ha unaxariisto wuxuu ahaa shakhsi ilaahay siiyey sifaatka mu,miniinta oo hadana fikir saliim ah ku rizaaqay waxaan ilaahay ka baryayanaa inuu ciqaab marsiiyo kuwii ka fakaray dilkiisa waxaana uwaydiinaynaa inuu alaah towbad siiyo yaryarka la qalday bala hada yariiska 17 jir ka ah say maskaxdiisa uga cayaareen alaah wuu daalacanayaa ilaahow kuwa yaryarka maskaxda ka dhaqayaa ciqaab adag ku rid oo aduun iyo aakhiraba halaag,walahi yariisku wuxuu ka soo jeedaa rero mutadayiniin ah aabihiis iyo hooyadiisba waxy siyeen tarbiyad saliim ah lkn waa wax qadaran balaayaana heshay oo maskaxda kaga ciyaartay

    • alle qafuurka ah ee raxiimka ahi ha udanbi dhaafo tawbadiisana ha aqbalo waxa iimuuqata in uu tawbadkiin dhaba uulayimi caruurnimana maskaxda lagaga xaday laakiin alle ayaa hayr la doonay baan filaya waa wiil da,yar oo maskax badan hadii dalka loo tabarona dalka wax uqaban kara ee dawlada waxaan ka codsanaynaa in ay cafiyaan mar haduu cadaystay tawbad

  15. wll mahdi aad baad u mahadsantahay waan ogahay ninka la dilay inuu nin qiimo badan oo la ilawi karin yahay waa sheekhaygii hadana abtinimo iigu aadan lkn waxaa lagu kjiraa akhru samaan waan axiligii la yiri idinkaa gacantiina isku keenaaya waa xiligii la yiri naftu magarasnayso wax lagu dilay tan dishayna garan mays9o waxay ku dishay lkn walal waalkaas mani waan aqaan alle ha badbadiyee umana malayneen inuu falkaa ka suurtoobo isagoo baqdin daradeed falka kaga qeebgalay lkn hadan awaa cunug yar oo maskaxda laga xaday hadan imankii uuu alle u soo celiyey
    hadan tariikhdayda ka waramo ani waxaan ka soo jeedaa beelaha reer puntland gaar ahaan rer maxamuud saliibaan waxaan ku dhashay gorowe kuna soo barbaray ilaa 2008 kii dhamaadkiisiina ku soo gaqray markaasaan ku biray ragaas anoo u arka inay yihiin dad diin wada lkn dhabatooyin badan oo aan ka arkay iyo wax sharci daraa waan iskaga soo bixay markay tariikhdu ahayd 12/02/2011 anoo ku soolabtay magalada gorowe way idili gareen lkn alle galadiisa iyo taydoo qornayn iyo tabarkii an haystay baan uga baxsaday dhawr jeer bay isku dayeen inay i dilan lkn badbadada alle ban ku jogay malintii danbe way isoo waceen oo i dhaheen tadaa galin lkn waa lagu dili ani wax jixinjix ah kama muujin lkn abahay baa ii yara baqay isagoo i geyey somaliland kadibna an aday addis dhawr billod ka bacdina waxaan u dhoofay dalka aan hada joogo ee unite king down ayadoo qabishay all noloshayda waxaan jiclan lahaa inuu sxbkayna ila wadaago noloshaa wanaagsan lkn nasiib xumo hada wuxuu la.yahay xoriyadiisa oo xabsi buu ku jiraa alle waxaan uga baryayaa inuu ka soo badbadiyo
    hada tiraahdaan waa la dilayaa walalahayna ku jira iyaga marna ka ma soo baxayaan iyagoo is dhahaya waa la idin dilayaa hadaa puntland ku labataan
    waxaa kale sheekha alle ha.u naxariisto waa macalinkaygii hadana waa shakhaygii hada waa abtigay aale waxaan uga baryayaa inuu janada fardawsa ka waraabiyo
    beesha leel kase oo reer abtigay ahna waxaan ka codsanayaa sheekha anoo ka xun hadana tiisaa soo gashay wiilashaa oo ladilana sheekhu kuma soo noolaanayo imisaa dad disha oo hadan ayagoo xabsi galin lana weerarin magaladooda mara aana qabiil ahaan
    waxaan ognahay in wiilashaa lagu khasbay ayagoo loo caga jugleeyey wana mahad alle hada haduusan ku dhiman dariiqaas khaldanaa maanta gacanta walalihii mbuu ku jiraa ani waxaan ka codsan lahaa rer abtigay (LEELKASI) inay iska cafiyaan cunugaas yar ayagoo tulnimo iyo qaraabanimo fiirinayaa ani iyo wiilkaas iskuma dhawin lkn waxan ku saxiibnay waa daacadnimada waxaan uga gubanayaa xiritaankiisana waa sxbtinimada daacadnimadaa oo nasoo dhex martay ano la isoo attack rabo oo istidlaac la igu hayo isagaa ii sheegay alle ka sakawna asagaa i bad badiyey marka waa inan ka doodaa suu u badbadilahaa (ahmed mohamed ali ossman ) aale ha ii soo badbadiyo waxaan u tukanayaa salaatul xaaja inuu alle badbadiyo su alle ani ii gu badbadiyey afkiisa waadna salamatihiin U,K

  16. allaah xaqa ha ina kuwada hagaajiyo dhamaanteen.
    dr.Axmed X. c/raxmaan allaah naxariistii jano ha kawaraabiyo

  17. Acww to mustafe saaxiibkiis walal waad mahadsan tahay sida aad u hadashay iyo aragtidaada
    walaal horta waa fiican tahay in la dilo walow ay ka sii fiican tahay in la daayo
    waxay tahay mustafe waa magacii uu falka ku fuliyeye
    walaal waxaad miisaanka saartaa horta qofka uu dilay waa qof caynkee ah
    insaanku kala qaalisane waa sida ilaah yidhiye mustafe yuu dilay oo ku xad gudbay
    ma shaqsi la ilawi karaa mise waa shaqsi tiir ahaa oo aan weli lahelin engneerkii tiirkii dumay ee guriga bedeli lahaa {caalim diineed]
    Hadaba walal ilaah ha u naxariisto sheikh axmed iyo inta lamid ka ah iyo dhamaanteen
    Mustafana alaah ayaa mahad leh makrigiisii qoorta u sudhay
    Iga talo ahaan {waysha gawdhac dibigu ha ku quus qaatee }
    acww mahdi U.S.A

    • aad baa u mahadsantahay sxb lkn waxaa ka maqan xoogaa bini adan nimada waa cunug yar saan kuu aqaan waad dhali kartaa wll ka waran haduu ahaan lahaa wiilkaga madan dhihi lahayn saas ee waad u dagalami lahayd ina gurayaw wll bili adan nimo muuji plz

  18. Walaal Xasan sabab kale ma jirtee ina Godane ayaa qandaraas ku qaatay lkn inuusan calfan ayaan Ilaahay uga baryaynaa isaga iyo kuwii uu adeegsadayba

  19. ASALAAMU CALEEYKUM
    SHEEKHAAS KUWII DILAY
    ALLAHA CADAABO
    BINA AADAM MAAHA MAXAAY KU DILEEN OO UU KA GALABSADAY

    • wll shiikha kuwii dilay ha oran alle ha cadaabo ee waxaad tidhaahdaa alle hasoo hadeeyo oo toobada haka aqbalo waan ogahay dilka shiikhu mid sogeeya inaanu ahayn laakiin al baabada tawbadu way furanyihiin allina danbi walba wuu dhaafaa ee alle haka aqbalo cidii toobad kiinta

  20. asc waan idin salamay walalahayga rer puntland anoo ah mustafa sxbkii ahaana nin wax badan ka og noloshiisa iyo waxa uu ku suganyahay isku meelna joogi jirnay lkn alxamdulilaah asaga horantii aan ka tanaasulay camalkaa khaldanaaa oo maskaxda iyo maankana nalaga xaday waa ilaahay mahadii haduu alle igu dilin meeshaas fuusha xumayd allahna waan uga mahadinanaaa waxaan ahay wiil ka soo jeeda beelaha dagan puntland allahii iga dhigay rer puntland waan ku mahadinayaa
    waxaan ka codsanayaa dawlada puntland oo sxbkay gacanta ku hayaa inay cafis u fidiyaan ayagoo fiirinayaa age kiisa waa 15 jir laga xaday caqliga iyo maskaxda sida anigaba la iiga xaday lakin alxamdulilaah waxaan ogaday inay waxaani xaqdaro tahay isaga ka hor mar kii ani la ii geestay dhibatooyin badan ayaga dhexdooda ina dili gareen allana iga soo badbadiyey waxaan wayey fursad aan ugu sheego waxaana qorneed in la qabto isagoo waliba danbi aad u fuulxun wax ka ogaa Madax weyne C/rahman faroole waxaan ka codsanayaa in cunugaa yar oo hadan laga xaday caqligiisa in xuquuqda bila’adan ka loo fiiriyo lana sii daayo ayadoo latusayo wanaaga puntland oo dhalinta shabab ku jirta ee rer puntland ay ku soo dhiradaan in ay isku soo dhibaan dawladooda macaan walalayaa adeerayaa adinkoo firinayaa dhilinta reer puntland waxaan idinka codsanayaa iniidan dilin ama iinan ku xukumin xabsi dhawr sanaa sxbkayga qaligaa Ahmed mahamed ali ossman (mustafa) siina daysaan isagoo wax jirdila iyo wax daba raac oo kale aan loo haysan qalbigiinoo nadiif ah iyo isagoo idin jecel plz and plz dawladeena suuban ee puntland waxan ka codsanayaa inay codsigaa naga aqbalaab wiilkaa yar oo hadana aan sxbada ahayn isku marna caqliga nalaga xaday hada gacanta puntland ku jira in la ii soo daayo gaar ahaaan aniga daraday
    waxaana u tacsiyey nayaa dadkuu ka dhintay sheekha alle samar iyo iman ha idinka siiyo waad ogtihiin dhalinta in lagu khasbay in ay dilaan sheekha hadii kale ayaga ay naftooda wayayan hadan gacantiina ayey ku jiraan maanta hadaad dishaanna sheekh ahmed kuma soo labanayo aduunyada marka walalayaan waxaan idinka codsanayaa inaad iska daysaan ilmahaa la khalday wana idin salamayaa dhaman

  21. waaa ilaahay mahadii mar hadii la ogaaday cidii ka danbeysay dilkii Dr-ka marka horeba wayska cadayd laakiin ليهلك من هلك عن بينة

  22. walhy waa wax lagu farxo in nimankan la qabqabty lkn caruurta ku jirta ayan ka naxay runtii ee caqliga laga xaday

  23. Sheekha Alle ha u naxariisto, ciqaab degdeg ahna ha mariyo kuwii diley, kuwii amray, kuwii ku taliyey, kuwii ku caawiyey, kuwii difaacay intaba. Waliba waxaan Ilaahay ka tuugaynaa inuu masiiba muuqata ku rido si ay cibro ugu noqoto kuwa badan oo ku kadsoomay nimankaas.

Leave a comment

*