Dowlada Jabuuti oo sheegtay in Maamul u sameynta J/hoose ay leedahay Dowlada Somalia(Dhageyso)

October 15, 2012 - Written by

Jabuuti:-Wasiirka caddaaladda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maamul u sameynta gobadalada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wuxuuna uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ay u madax bannaan tahay dowladda Soomaaliya loogna danbeeyo.

Wasiirka caddaaladda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa waxaa uga digay dowlada dariska ee faragalinta ku haya dowlada Soomaaliya in ay ka daayaan faragalinta maadaama ay dowlada Soomaaliya ka baxday ku meel gaarka.

Sidoo kale wasiirka cadaalada ee Dowlada Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay garab istaagto dowlada federaalka ee Soomaaliya si ay dib ugu soo ceshato dowladnimadeedii .

Dowlada Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay dowlada ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya qeybna ka ah ciidamada AMISOM waxaana ay ciidamo ka joogaan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

Waxaa soo ifbaxaya Khilaaf ka dhex aloosan dowladaha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya ee ku howlgala magaca AMISOM iyaga oo ku kala argtiyo duwan xalka Soomaaliya iyo kala taageerida kooxaha iska soo horjeeda Soomaaliya.

[audio:https://halgan.net/Mp3/suldaan.mp3] ama halkan Mp3

A/Cawale
Halgan.ne
Codka Radio Barkulan

5 Comments so far

Leave a comment

  1. soomaalay doohanay caqliga tii laga dhaqaay
    walaalkeed dhiigi iyo dhexdeeda udhiiraney.

    si kasta ha dii wax loogu sheego soomaali iyadaa isu jeeda ee cadawgeeda ma aragto.waxaa hubaal ah hadii ay u suurta gasho cadawgu inuu kashaqaynayo sidii awoodiina uqaybin lahaa dabadeedna dhulka ugu hari lahaa intaad reer hebel iska jir ku jirtaa. waxa laydinku wadaa waa halkii sadixdii dibi.

  2. Waxaa wax lala yaabo ah wasiir dawladeed inuu ka hadlo dawlad kale iyo dalkale arimihiisa, wasiirka awqaafta jabuuti maxaa ka galay kisaamyo iyo somalaia? sharciga u baneeyay inuu ka hadlo maxuu yahay? hadalka qurmuun si walba oo qolof loo gasho oo naseexo looga dhigo urkiisu isma badalo. ninkaan qabiil iyo siyaasad qabyaladeed baa ku kaliftay inuu ka hadlo arinta kismaayo iyo maamul u samyenteeeda
    kismaayo dadka dagaan ahaan u leh o waligood degi jirey ayaa hada maamul u sameynaya mana ahan sheeko ugub ah oo gobalo badan ayaa dadki dagaanka lahaa maamulo u sameyteen! muxuu yahay sharciga u ogal in somaliland oo qabiil ah dawlad isku sheegto, dadka kimsaayo dagana aysan sameysan karin maamul u gooni ah?
    culumada iyo aqoonyahanka reer kismayood waa iney jawaab deg deg ah kaso saaraan hadalka kaso yeerey dawlada jabuuti ee waligeed dhibka iyo dabshidida soomaliya faraha kula jirtey, hadna bilaabey iney si cad oo qayxan oga hadlaan hawlo aysan shaqo ku laheyn dhex dhexaadna aysan ka aheyn waayo sharci u ogal ma jiro mid dawladeed iyo mid islaam midna iney arimahaan oo kale ka hadlaan!

  3. waa su’aale soomaaliya ma cid aan soomaali ahayn baa leh ?

    hadalka jabuutise miyuusan sax ahayn ?

    kenya haday ogolaato rifti faley {valey} somaliyi maamul u samayso

    dee waa sax iyaduna inay kismaayo maamul noola samayso haddiii kale

    maya maya oo maya maamul u samaynta keenya ee maamul u samaynta

    kismaayo .

    soomaaliya ha nooolaato noolaatoooo

  4. Aniga waxaan leeyahay dowlada jabuuti weey cadahay ineey IRIIRISIM wadaan ciise…….sidaas aay tahay iyaga oo jabuti ahaan meey faraha nagala baxaan oo eey ugahadlayaan kismanyo iyo jubooyinka soo dowladaha dariskAA maaha? Waxeey wadaan “qaaybi oo maamul” ……sidaas darteed waala fahan sanyahay ol olaha ismaciil cumar geele uu wado.

  5. ac
    Wasiirku wuxuu yidhi dowlada soomaaliya waxay u baahantahay in la yidhaahdo maxaan idinla qabanaa,maxaad u baahan tihiin maxaan idinka difaacnaa iyadoon wax faragalin ah lagu samaynin. Gobalada jubooyinka dowladaa soomaaliyeed eed baahideeda hadaysay ayay ka mid yihiin,baahida jubooyinku maanta waa in faragalinta laga daayo oo loola dhaqmo sida dowlada soomaaliyeed jeceshahay iyada in loola dhaqmo.
    dowlada soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay dadka jubooyinka uga danbayso maamulkooda hiil iyo hoona la garab istaagto sidii ay u dhisan lahaayeen maamul wanaagsan oo caadil ah.
    Jabuuti waxay ka mid tahay wadamada dariska ah ee faragalinta qaawan ku haya soomaaliya,marka markaad idinkoo jabuuti ah faragalinta daysaan ka dalbada kuwa kale in ay faragalin ka joojiyaan soomaaliya,hadii kale dowladaha kale waxay idiin fahmi in aad leedihiin anagu in faragalino soomaaliya waa Ok laakiin dowladaha kale maya.
    Jubooyinka in ay maamulkooda dhistaan yaan lagu faragalinin.Digil iyo midhifle in ay maamulkooda dhistaan yaan lagu faragalinin. Beelaha Hawiye in ay maamulkooda dhistaan yaan lagu faragalinin.
    wc

Leave a comment

*