Faahfaahin Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose

October 27, 2012 - Written by

Kismaayo:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegay in maanta duhurkii uu qarax ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo waxaana qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay  oo lala damacsanaa ciidamada huwanta.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa  6 qof oo 4 ka mid ah ay Haween yihiin waxaana qaraxa ku dhintay hal askari iyo qof haweenay ah oo rayid ah .Qaraxa ka dib ayaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS  ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay sameeyeen howlagal lama oga ilaa haatan in ay cid u soo qabteen qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhanka kale DFS ayaa maanta waxay soo saartay warsaxafadeed ay ku joojisay dhoofinta dhuxusha gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxayna ugu baaqday Maamulka ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo in ay qeyb ka qaataan joojinta dhoofinta dhuxusha.

A/Cawale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online