Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag Maxamed Ismaaciil Jaamac oo xilka la wareegay

October 16, 2012 - Written by

Waxaa magaalada Badhan ee caasimada Gobolka Sanaag ka dhacay xaflada ay xilka kula kala wareegayaan Guddoomiyih hore ee Gobol ka Sanaag Maxamed Siciid Nuur  iyo guddoomiyaha cusub  Maxamed Ismaaciil Jaamac oo dhawaan xilka loo soo magacaabay. Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimo , waxgarad , aqoon yahano iyo weliba wasiir ku xigeen amniga dowllada Puntlland  Cabdi Jamaal Maxamed Cismaan oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Badhan isagoo ay galbinayaan ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntlland.

Wasiir ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamaal Maxamed Cismaan  ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyey guddoomiyii hore ee Gobolka Sanaag  Maxamed Siciid Nuur isagoo ku sheegay nin wax badan u qabtay Gobolka Sanaag wax badan ka soo shaqeeyey sidaas darteedna laga doonayo guddoomiyaha cusub ee  Gobolka Sanaag Maxamed Ismaaciil Jaamac in uu gobolka wax la taaban karo ka qabto gaarsiiyana horumarka ay ku talaab sadeen Gobolkada kale ee Puntlland.

Wasiir ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamaal Maxamed Cismaan  ayaa sidoo kale sheegay in Gobolka sanaag oo ay caasimada u tahay Badhan ay ka tirsan tahay Puntlland cid kalena aysan sheegan karin isagoo ku nuuxnuuxsaday in soomaaliya ay yeelatay dowllada Federaal ah Puntlland ay ka tahay qayb cid carqalad galin karta nabad iyo horumarka ka jira Gobolka Sanaagna aysan aqbali doonin dowlladiisuna ay ka hortagi doonto.

Ma ah markii ugu horaysay oo Wasiir ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamaal Maxamed Cismaan  iyo Saraakiil ka tirsan dowllada Puntlland ay safari ku yimaadaan Gobolka Sanaag iyagoo kulamo gaar gaar ah la yeeshay odayaasha,aqoonyahanada  iyo waxgaradka kale ee nool gobolka Sanaag.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online